Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo cadaab ugu hanjabay kooxda Xamaas waqtina u qabtay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniinti shalay sheegay, in haddii aanan la soo deynin la heytaystayaasha Isra’il ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Isra’il iyo Xamaas.

Trump wuxuu sheegay in haddii ay taasi la yeeli waayo, ay dhici doonto cadaab daran, isaga oo intaasi raaciyay in go’aanka ugu danbeeya ay leedahay Isra’il.

“Haddii aysan halkaan joohin, dhammaan cadaabta ayaa la fasixi doonaa.” Mar la weydiiyay in in Mareykanka uu ka qeybgali doono si loogu jawaabo Xamaas, haddii aysan soo deyn la heystayaasha, ayuu Trump yiri “Xamaas way ogaan doontaa waxa aan ula jeedo.”

Hadalka adag ee kasoo baxay Trump ayaa yimid saacado kaddib marki ay Xamaas shaacisay shalay, in ay dib u dhigeyso sii deynta la heystayaasha gacantooda ku haray.

Xamaas ayaa ku eedeysay Isra’il in ay jebisay heshiiska xabbad-joojinta ee saddexda todobaad jira, gaar ahaan in ay Falastiinyiinta u diidday dib ugu laabashada qeybo ka mid ah waqooyiga Gaza iyo in ay toogasho iyo duqeymo u geysatay Falastiiniyiinta Gaza.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo wali kasoo baxay Xamaas.

Related posts

Nin lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa dilkii Jamal Khashogi oo lagu xiray..

Caydiid Ali

Bixinta qeyb ka mid ah Baasaboorka Soomaaliga oo si KMG ah loo joojiyey (Sababta)

Caydiid Ali

(Sawirro) Qarax mar kale lagu burburiyey xarun ay leedahay Shirkadda Hormuud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---