Allbanaadir.com
NEWS

Weriye todobaad ka badan ku xiran Magaalada Jowhar oo la shaaciyey dembiga loo heysto (Daawo Sawirro)

Taliyaha Booliska gobolla Sh/dhexe Col. Aadan Yarow Xuseen ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha loo xiray weriye C/shakuur Shaashaa oo muddo todobaad ka badan ku xiran saldhiga magaalada Jowhar.

Col. Aadan Yarow Xuseen ayaa sheegay in weryaha aan loo xirin arrimo la xiriira shaqadiisa saxafinimo balse loo heysto lacago uu lunsaday.

“Qaraxii lagu dhamaaday ee ka dhacay isgoyska Zoobe 14kii Oktoobar 2017 ayuu weriyahan baroordiiq  u sameeyey dhalinyaro uu madaxa calaamad cas ugu soo xirey, mana jirin cid ka warqabtay  oo ka socda guddiga gurmadka, Nabadgelyada”ayuu yiri taliyaha qeybta Sh/dhexe Col Aadan Yarow.

Waxaaa uu intaas ku daray in weriyaha uu lacag fara badan ka ururiyey shacabka magaalada Jowhar isagoo sheegaya inuu gaarsiinayo dadka waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii Zoope balse uu jeebka ku shubtay.

“Waxaa socda baaritaano la xiriira lacagaha uu lunsaday ee uu ku soo qaatay Magaca shacabka Soomaaliyeed, waxaana soo taagi doonaa Maxkamad maalmaha soo socda” ayuu yiri taliyaha.

Taliska Booliska Jowhar ayaa saxaafada u soo bandhigay sawirro ku saabsan barnaamij uu weriye Shaashaa lacago uga ururiyey shacabka magaalada Jowhar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada amaanka oo qabtay labo nin oo la tuhmayo in ay dileen Sargaal ciidan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qadar oo War kasoo saartay Qaraxa lagu eedeeyay ee ka dhacay Boosaaso

Cabdi Cade

Xukuumadda Soomaaliya oo qaraar adag kasoo saartay Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---