Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan & Amiirka Qatar?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani.

Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, si looga mira dhaliyo danaha labada shacab.

Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay kor u qaadidda wada shaqaynta labada dal, si loo xoojiyo xiriirka adag ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qata

Dhinaca kale, Wafdi Turkey ah uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Proff Burhanettin Duran oo Muqdisho soo gaaray ayaa lakulmay Madaxweyna JFS Xasan shiikh.

Wafdiga Wasiirka oo Booqasho ku kala bixiyay Addis Ababa iyo Muqdisho ayaa sii ambaqaadaya heshiiskii Ankara ee labada wadan waxaana la rajeynaya Madaxweyne Erdogan inuu labadaas wadan ku kala bixiyo Booqasho dhawaan.

Related posts

Axmed Madoobe oo Shuruud ku adag ku xiray in Doorasho ka dhacdo Jubbaland

Cabdi Cade

Guddoomiye Madaale oo gurigiisa ku casuumay ninkii isaga lagu beddelay

Cabdi Cade

Ruushka oo Musiibo uusan fileyn kala kulmay Duullaanka uu ku qaaday Ukraine (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---