Wakaaladda wararka Reuters, ayaa ku warrantay inuu khatar ugu jiro heshiiska xabbad-joojinta Qasa inuu burburo, kaddib markii meesha ay ka baxday dammaanad qaadka heshiiska ee Mareykanka
Cabsidan ayaa timid ka dib markii uu Trump, soo bandhigay hadallo wax u dhimaya heshiiska oo ay ku jirto sheegistiisa inuu qaadanayo Qasa iyo barakicinta Falastiiniyiinta.
Xaaladan, waxaa ka dhashay inay Xamaas hakisay sii deynta maxaabiista Israa’iiliyiinta, iyadoo sheegeysa in Yuhuuda aysan daacad ka aheyn heshiiska xabad joojinta
Afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xamaas, Abu Cubayda ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyay tiro badan oo ka mid ah maxaabiista Israa’iil ee Sabtida toddobaadka dambe la sii deyn lahaa in dib loo dhigay
“Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, hoggaanka wax iska caabintu waxay la socdeen xadgudubyada cadowga iyo u hoggaansanaan la’aantooda shuruudaha heshiiska Xadgudubyadan waxaa ka mid ah dib u dhigista dadkii ku laaban lahaa guryahooda waqooyiga Qasa oo lagu bartilmaameedsanayo duqeymo iyo rasaas ka dhacaysa meelo kala duwan oo marinka Qasa ah, iyo ku guuldareysiga in la oggolaado gelitaanka agabka gargaarka nooc kasta oo lagu heshiiyey. Iska caabintu waxay ka soo baxday dhammaan waajibaadkii saarna go’aanka aan dib ugu dhigtan sii deynta maxaabiista wuxuu sii jiri doonaa illaa Israa’iil magdhow ka bixiso xadgudubyada ay ku kacday iyo illaa ay caddeynayaan inay ka go’aantahay fulinta heshiiska.” ayuu yiri
Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz ayaa ku dhawaaqay in heegan sare la geliyay ciidanka Israa’iil, kaddib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay dib u dhigtay sii deynta maxaabiista, illaa Israa’iil magdhow ka bixinayso tallaabooyin ay ku jabinayso heshiiska oo ay ku kacday muddada lagu jiro wajiga koowaad ee heshiiska.