Allbanaadir.com
NEWS

Imaaraadka oo Madaxweyne Ciro ku casuumay shir caalami ah

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefdi  uu hogaaminayo  ayaa galabta  diyaarad khaas kaga dhoofay Madaarka Hargeysa .

Dowladda Imaaraadka Carabka ayaa muddo laba Asbuuc guddihiis ah casuumaad heer sare ah u dirtay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.

Madaxweyne Cirro ayaa ka qaybgalaya kulanka 12-aad ee Shir-madaxeedka Dawladaha Adduunka (WGS) oo ka dhici doona Dubai  11-13 bishaan.

Shir-madaxeedka sanadkan waxa ka qaybgali doona in ka badan 30 Madaxweyne iyo wasiiro, in ka badan 80 ururo caalami ah, 140 wafuud dawladeed ah, iyo in ka badan 6,000 oo ka qaybgalayaal ah, oo ay ku jiraan khubaro caalami ah.

Madaxweyne Cirro ayaa la sheegay in uu shirkaasi  khudbad ka jeedin doono waxa uuna kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda ka qayb galaysa.

Sida uu sheegay Gudoomiyaha Shirka Dawladaha Adduunka Mohammed Al Gergawi ahna Wasiirka Arrimaha Golaha ee Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta,  waxa iyaguna ka qeyb geli doona shirkan hoggaamiyayaal caalami ah, oo ay ku jiraan madaxweynayaasha Indonesia, Poland, Sri Lanka, iyo Colombia, iyo sidoo kale ra’iisul Wasaarayaasha Kuwait, Armenia, Pakistan, Kenya, Libya, Georgia, iyo Bangladesh,”.

Sidoo kale waxaa jiri doona kulanka wasiirrada oo aan horay loo arag, iyadoo in ka badan 400 wasiir ay kaga qeyb galayaan doodaha ku saabsan maamulka, dhaqaalaha, tiknoolajiyada, warshadaha, iyo caafimaadka caalamiga ah.

Waxa iyaguna shirkan qayb ka ah 27 ururro caalami ah, oo ay ku jiraan Golaha Dhaqaalaha Adduunka, Sanduuqa Lacagta Caalamiga ah, Hay’adda Tamarta Caalamiga ah, Unesco, Ururka Jamhuuriyadda Carabta, iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Kulanka  sanadkan waxa lagu lafo guri doonaa xeeladaha lagu xoojinayo hufnaanta iyo waxtarka dowladnimada, kor u qaadista koritaanka dhaqaalaha, horumarinta adkeysiga magaalooyinka ee isbeddelka cimilada, iyo xaqiijinta in nidaamyada caafimaadka adduunku ay diyaar u yihiin iska Caabinta Xaaladdaha Caalamiga ah.

Related posts

Dayuurad uu la socday Madaxaweyne ku-xigeenka dalka Malawi oo la la’yahay

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo kahor yimid Dalabka Musharaxiinta Amar cusubna bixiyay

Cabdi Cade

Ciidamada Turkiga oo Duqeyn ku dilay dad Dalxiisayaal ah iyo Carro ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---