Afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xamaas, Abu Cubayda ayaa War saxaafadeed uu soo saaray ku xaqiijiyay tiro badan oo ka mid ah maxaabiista Israa’iil ee Sabtida toddobaadka dambe la sii deyn lahaa in dib loo dhigay.
Wuxuu intaa ku daray in sababtu tahay xad gudubtada joogtada ah ee ciidamada Israel ku hayaan heshiiskii xabad joojinta.
“Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, hoggaanka wax iska caabintu waxay la socdeen xadgudubyada cadowga iyo u hoggaansanaan la’aantooda shuruudaha heshiiska, Xadgudubyadan waxaa ka mid ah dib u dhigista dadkii ku laaban lahaa guryahooda waqooyiga Qasa oo lagu bartilmaameedsanayo duqeymo iyo rasaas ka dhacaysa meelo kala duwan oo marinka Qasa ah, iyo ku guuldareysiga in la oggolaado gelitaanka agabka gargaarka nooc kasta oo lagu heshiiyey. Iska caabintu waxay ka soo baxday dhammaan waajibaadkii saarnaa — go’aanka aan dib ugu dhignay sii deynta maxaabiista wuxuu sii jiri doonaa illaa Israa’iil magdhow ka bixiso xadgudubyada ay ku kacday iyo illaa ay caddeynayaan inay ka go’aantahay fulinta heshiiska.”
Go’aanka Xamaas, ayaa soo baxay xilli maanta ay ka digtay dawladda Qatar hab dhaqanka Israa’iil inuu sabab u noqon karo burbur ku yimaada wajiga koowaad ee heshiiska, tan oo ay xigtay inuu Netanyahu soo muujiyay sida uusan diyaar ugu ahayn gaarista wajiga labaad ee heshiiska iyo hadallo caro gelinaya Xamaas oo si joogta ah uga soo baxayay Netanyahu. iyadoo go’aanka Xamaas wuxuu u muuqda digniin loo dirayo Netanyahu.