Dagaalo ayaa shalay iyo saaka mar kale ka dhacay Degmada luuq Gobolka Gedo kuwaasoo dhaxmarayaa Beelihii horey ugu dagaalamay oo maalmahan isku hor fadhiyey qeybo ka mid ah duleedka Magaalada.
Dhinacyada dagaalamaya oo ku jirey hub urursi iyo diyaargarow ayaa mar kale maanta barqadii waxaa dhaxmaray dagaalo hub kala duwan la isu adeegsaday.
Ilo wareedyo ayaa ku soo waramaya in la maqlayey jug iyo rasaas xoogan oo ka dhacaysa agagaarka baqaarka weyn ee Xaafada Iidaale iyo goobaha u dhow oo ku yaala afaafka hore ee laga galo degmada Luuq
Shacabka ku nool xaafadaha ku dhow goobaha lagu dagaalamayo ayaa waxaa soo wajahay walaac xoogan iyo cabsi, qaarkoodna waxay bilaabeen iney guryahooda isaga qaxaan.
Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen dagaaladii dhacay saacadihii u bdambeeyey halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen kuwaasoo u badnaa dhinacyada dagaalamay.
Dagaaladan u dambeeyey ayaa ku soo beegmay xili dhowaan heshiisyo nabadeed la dhex dhigay labada beelood kaasoo ay ka soo shaqeeyeen masuuliyiinta Jubbaland iyo waxgaradka degmada Luuq.
Maleeshiyada labada beelood ayaa weli iska hor fadhiya goobaha la isku fara saaray kuwaasoo mararka qaarkood isweydaarsanaya rasaas iyo hub kale oo culus, iyadoo dagaaladan ay salka ku hayaan dilal labada beelood horey uga dhex dhacay.