Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa war kasoo saaray Cabashada Ganacsatada ee Canshuurta.
War saxaafadeed kasoo baxay ayaa lagu yiri “Madaxda dowladda Federaalka ah waxaan ugu baaqaynaa inaan dhegaha laga fureysan dareenka shacabka caasimadda oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan kuwaas oo qaarkood ka baxsan xeerarka maaliyadeed”.
Hadalkan ayaa ku soo aaday xili ay weli xiran yihiin maalintii 3aad qaar ka mid ah goobaha ganacsiga Suuqyada Magaalada Muqdisho iyagoo ka cabanaya dhibaatooyin ka dhashay canshuuro xad dhaaf ah oo ay sheegeen in DF ku soo rogtay.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA XISBIGA HIMILO QARAN