Allbanaadir.com
NEWS

Midabka biyaha webi ku yaalla dalka Argentina oo isbedelay (Sawirro)

Webi ku yaalla magaalada Buenos Aires ee caasimada Argentina ayaa midabka biyahu isku bedeleen casaan ama guduud, arintan ayaa walaac badan ku abuurtay dadka deegaanka ee wabiga ka dhow.

Wargeys maxalli ah oo lagu magacaabo La Verdad, ayaa soo wariyay in dadka deegaanka ay sheegeen in ur aan ficnayn ay ka soo baxayso biyaha wabiga,

Waxay arintaas ku eedeyeen iney ka dambeeyaan warshado goobta ka dhow inay iyagu sabaabeen isbedelka ku yimid wabiga ayna ku daadiyeen kiimikooyin haraaga warshadaha ah oo sababay iney isbedelaan midabka biyaha.

María Ducomls oo ka mid ah dadka deegaanka oo la hadashay warbaahinta ayaa tidhi” webigu wuxuu u ekaa durdur dhiig ah, dhacdadani waxay noqotay wax soo noqnoqday sida darteed dowlada waxaa looga baahan yahay inay wax ka qabato oo talaabo degdega ah ka qaado warshaha waxyeelaya deegaanka”

Related posts

Xaq miyaa in Dowlada Wadada ka xirato Ganacsatada ay Canshuurta ka qaado ?

Cabdi Cade

R/W Xamse Barre iyo Xasan Sheekh oo isla gartay Xubnaha kamid noqonaya Golaha Wasiirada (Sawirro)

Cabdi Cade

Deeqdii Imaaraadka Carabtu ka soo dejiyeen Muqdisho oo yaab iyo fajac abuurtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---