Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo qaadaya talaabo kale oo xiisad abuuri karta

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Axaddii sheegay in Isniinta maanta ah uu ku dhawaaqi doono tacriif ama canshuur kordhin gaareysa 25%, taas oo uu dul saari doono biraha iyo jaandiga loo soo dhoofiyo Mareykanka.

Trump, oo saxafiyiinta kula hadlayay diyaaradda madaxweynaha Mareykanka ee Air Force One, ayaa sidoo kale sheegay inuu ku dhawaaqi doono canshuuraha isdhaafsiga Talaadada ama Arbacada, si ay u dhaqan galaan ku dhawaad isla markiiba.

Trump ayaa muddo xileedkiisii koowaad sidan oo kale 25% canshuur ah saaray biraha, halka uu 10% ku kordhiyay tacriifta jaandiga ama aluminiumta. Si kastaba ha ahaatee, markii dambe wuu ka khafiifiyay canshuurta biraha iyo aluminiumta ay soo dhoofiyaan Canada, Mexico, iyo Brazil.

Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu sare u qaadi doono canshuurta isdhaafsiga, taas oo kor u qaadi doonta xaddiga tacriifta Mareykanka si ay ula simmaan dhinacyada ay ganacsatada Mareykanka wax isweydaarsadaan. Todobaadkan ayaa la filayaa in arrintaasi la billaabo.

Related posts

Abaanduule katirsan milatariga Soomaaliya oo lagu dilay dagaal culus oo saakay dhacay

Cabdi Cade

Muxuu Rooble kaga jawaabay dalabka Uhuru Kenyatta ee ah in laga wadahadlo kiiska badda?

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo baaq Wadajir ah soo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---