RW Israel Netanyahu ayaa lagu warramayaa inuu ka hortagayo gaarista wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa, isagoo u diray Dooxa inay kaga qeybgalaan wajiga labaad ee wada-xaajoodka koox aan lahayn go’aamo iyo awood ay wadahadal ku galaan, sida u sheegay wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Haaretz.
Wargeyska Haaretz, isagoo ilo xiganaya wuxuu sheegay haddii Netanyahu, uu ku socdo qorshaha uu ku fashilinayo in la gaaro wajiga labaad ee heshiiska; isla markiiba Xamaas ay joojin karto wajiga koowaad ee heshiiska oo hadda lagu jiro, marka ay xaqiijiyaan inuusan jirin wajiga labaad ee heshiiska.
Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Yedioth Ahronoth ayaa sida ay Al Jazeera ka soo xigatay, wuxuu sheegay inuu Netanyahu gudbin doono shuruudaha wada-xaajoodka wajiga labaad ee heshiiska oo ay ku jiraan qodobbo aysan aqbali doonin Xamaas kuwaasoo ay ka mid yihiin; In hoggaanka Xamaas laga saaro Qasa, la baabi’iyo cududda milateri ee guutooyinka Al-Qasaam, hub ka dhigista, iyo sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil. Haddii intan la fuliyo waxay Israa’iil ku sheegtay inay soo afjarayso dagaalka.
Qodobbada aan suuragalka ahayn haddii aan la oggolaan waxay doonaysa Israa’iil in la ballaariyo wajiga koowaad ee heshiiska oo hadda lagu jiro, si loo sii wado is dhaafsiga maxaabiista, tan oo xataa ah mid adag, oo kala doorasho ah inay dagaalka ku laabato Israa’iil ama ay aqbasho shuruudaha ay Xamaas dooneyso dhexda u galinaysa, midda dambe haddii ay dhacdo waxaa warbixinta lagu sheegay inay burburiyso xukuumadda Netanyahu, sababtoo ah xubnaha midigta fog ee xukuumadda Netanyahu ma doonayaan tanaasul kale.
Dawladda Qatar, ayaa si rasmi ah u gudbisay farriin ka dhan ah Netanyahu iyo hadallada soo noq noqonaya ee la xiriira barakicinta dadka Qasa, iyadoo maamulka Doxa ay sheegeen inuu si mas’uuliyad darro ah u dhaqmayo Netanyahu oo halis gelinaysa inuu burburo wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta Qasa iyo sii deynta maxaabiista, waxayna Qatar xasuusisay Netanyahu, in heshiiskan ay sidoo kale ku jirto inay dammaanad ka tahay dhaqangelintiisa.