Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cirro oo arrin muhiim ah u sheegay guddiga Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland Mudane, Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane, Maxamed Aw Cali Cabdi ayaa maanta (10.02.2025) kulan muhiim ah la qaatay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ).

Kulankani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu Madaxweynuhu xilka dalka hayey, Madaxweynaha ayaa KDQ uga mahad celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen Madaxweynaha.

Kulanka ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) la qaateen Madaxweynaha ayaa ahaa is-xog waraysi iyo ka wada tashi arrimaha doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool leh, 31.05.2026-ka, waxayna Madaxweynaha uga mahad celiyeen kulanka uu la qaatay.

Komishanku waxa ay Madaxweynaha war bixin guud ka siiyeen habsami-u-socodka hawlaha ay KDQ uga wakiilka yihiin Qaranka Somaliland. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay soo gaba-gabeeyeen daraasad qoto dheer oo la xidhiidha dib-u-eegida doorashooyinkii ina soo dhaafay (Post Election Review) iyo ka talo bixinta arrimaha u baahan in la saxo.

Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh.

Madaxweynaha ayaa KDQ ku amaanay hirgelinta Doorashadii Xasaasiga ahayd ee Madaxtooyada ee ka qabsoontay dalka 13.11.2024. Madaxweynuhu wuxuu KDQ u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka Madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul.

Madaxweynuhu wuxuu Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) u sheegay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah eek a soo baxay doorashadii ina dhaaftay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadahaa iyo duruusta aynu ka baran karno si aynu mustaqbalka uga digtoonaano caqabadaa iyaga ah.

Madaxweynaha Jl Somaliland waxa uu KDQ u xaqiijiyey in uu fulayo ballanqaadkii uu Madaxweynuhu la galay Ummadda JSL ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada Doorashooyinka, sidaa darteedna ay Doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool lihi ay, Idamka Allah ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasoo ah 31/05/2026-ka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu KDQ u sheegay una ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay diyaar u tahay in ay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda Doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu KDQ u sheegay in ay qayb iyo hormoodba ka noqon doonaan dib-u-habaynta lagu samayn doona hannaanka doorashooyinka dalka iyo weliba dib u eegidda qaabka diwaangelinta codbixiyeyaasha.

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu KDQ faray in ay soo diyaariyaan khariidaddii iyo qorsihii Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka (Election Road Map), doorashooyinkaa oo dalka ka qabsoomi doona 31/05/2026-ka.

 

Related posts

Qaar kamid Madaxda maamul goboleedyada oo diiday Shirkii uu ku baaqay Farmaajo oo maanta…

Cabdi Cade

Maraykanka oo qaswadeyaal ku tilmaamay dhinacyada ka maqan Shirka Dhuusamareeb 3

Caydiid Ali

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku qabtay rag hubeysan iyo maandooriye (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---