Allbanaadir.com
NEWS

Guddi Wasiirro oo ka shiray Isticmaalka khaldan ee Baraha bulshada

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa guddoomiyay shirka Guddiga Heer ee Wasiir ee Ka Hortagga Isticmaal Xumada Baraha Bulshada.

Shirkan ayaa daba jooga sidii loo fulin lahaa qaraarkii ka soo baxay Golaha Wasiirrada bishii hore ee la xiriiray maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada oo dadka qaar ay u adeegsadaan kicinta, hurinta colaadaha iyo arrimo kale oo anshaxa ka baxsan.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adaha kala duwan ee garsoorka ay ka go’an tahay in iyadoo la dhowrayo xoriyadda fikirka, haddana bulshada laga ilaaliyo wax kasta oo khatar gelinaya amniga, wadajirka, anshaxa wanaagsan iyo dhaqanka ay ummadda leedahay.

Shirkan ayaa lagu go’aamiyay in si degdeg ah loo guda galo fulinta qodobadii ku xusnaa qaraarka Golaha Wasiirrada ee maareynta isticmaalka khaldan ee baraha bulshada.

Related posts

Tiro madaafiic ah oo saakay lagu garaacay Madaxtootada Soomaaliya

Cabdi Cade

Dowlad Carbeed oo maalmaha fasaxa todobaadka u bedeshay Sabti iyo Axad

Caydiid Ali

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Baaq dg deg ah u diray Dowlada federaalka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---