Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta daah furay Mashruuca Ugbaad oo ah barnaamij lagu horumarinayo beeraha si ay ugu adkeystaan isbeddelka cimilada ee Soomaaliya .
Mashruucan maanta laga daah-furay magaalada Muqdisho ayaana la ansixiyay 24-kii Oktoobar 2024 intii lagu jiray kulankii 40-aad ee Guddiga Sanduuqa Caalamiga ah ee Cimilada (GCF) oo ka dhacay Songdo, Koonfur Kuuriya.
Mashruucan waxa uu ujeedkiisu yahay xoojinta adkeysiga bulshooyinka iyo nidaamyada beeraha si ay ula qabsadaan isbeddelka cimilada, iyadoo la kaashanaayo dadaalada dib u habaynta dhulka si loo yareeyo saameynta taban ee cimilada.
Waxaana la qorsheeyay in ay ka faa’iideysan mashruucan Ugbaad ku dhawaad labo milyan oo qof, wuxuuna taageeri doonaa dib u soo celinta iyo maareynta waarta ee dhul wax soosaar leh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com