Ciidamada maamulka Puntland ee ku sugan furumaha hore dagaalka buuraha Calmiskaad, ayaa duqeymo culus ku garaacay goobo ay ku dhuumanayaan dagaalyahanno katirsan kooxda Daacish, kuwaa oo xilligan wajahaya xaalad adag.
Sida aan wararka ku helnay ciidamada difaaca Puntland ayaa duqeymo culus ku garaacay agagaarka degaanka Qurac ee togga Jeceel , halkaas oo la sheegay in ay isku qarinayaan dagaallamayaal katirsan kooxda Daacish.
Ciidamada Puntland , ayaa sidoo kale wada howlgallo ay miinooyinka uga saarayaan goobaha kooxda Daacish laga saaray, waxa ayna ciidamada isku diyaarinayaan mar kale howlgallo culus oo lagu soo afjarayo Daacish.
Madaxweynaha Puntland, ayaa shalay sheegay in mar kale la qaadayo howlgal balaaran oo lagu ciribtirayo haraadiga kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad, waxa uuna xusay Deni in ciidamada dagaalka ay ka gaareen guulo wax ku ool ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com