Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Haaretz, ayaa sida uu telefishinka Al Jazeera ka soo xigtay , wuxuu ku warramay inuu Netanyahu dhexda uga jiro xaalad hubaanti la’aan gelisay inuu awood u yeelan karo inuu sii joogo xafiiska.
Netenyahu ayaa cabsi ka qaba carada ay xisbiyada siyaasadda ee xagjirka ah ka qaadeen ficillada jeesjeeska ah ee ay Xamaas ku soo bandhigayso waqtiga lagu jiro sii deynta maxaabiista inay yihiin kuwa lagu caddeynayo inuu Netenyahu ku guul-darraystay dagaalka, sii socoshada heshiiska ayaa warbixinta lagu sheegay inuu hadda u arkayo Netanyahu inay halis ku tahay mustaqbalkiisa siyaasadda.
Warbixinta laguma caddeyn inuu Netanyahu qorsheynayo inuu ku laabto dagaalka , balse xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyay inuu la wadaagay dhexdhexaadiyasha inaysan u dulqaadan karin hab dhaqanka Xamaas iyo xaaladda jireed ee ka soo muuqatay saddex maxbuus oo ay sii deysay Xamaas.
Tan oo muujinaysa sida Netanyahu u raadinayo hab uu ku burburin karo heshiiska , taa oo jirta waxaa soo baxay , wasiirka amniga Israa’iil ee is casilay , Ben Gvir oo sheegay inay Israa’iil ka noqotay bariga dhexe kuwa lagu jeesjeeso oo loo arko inay yihiin kuwa daciif ah oo ay Xamaas ka adkaatay, isagoo markaa leh marka aan isku casilayay inaan diiddanaa wax heshiis ah in la qaato, waxaan oggaa inay waxan dhacayaan..!