Allbanaadir.com
NEWS

Bulshada oo mahdisay adeegyada Isbitaalka DALMAR (Sawirro)

Karti, hufnaan, garasho, hal-abuur, waayo aragnimo, Shaqo jaceyl iyo aqoon ayaa lagu kala hormarey, guushu iskama dhalato balse waxay ku timaadaa dhiirranaan, dedaal, geesinimo, daacadnimo iyo in dhaxda loo xerto adeeg kasta oo la qabanayo.

Dad baa hibo u leh inay ka mira dhaliyaan adeega loo xil saaro hase yeeshee waa fara ku tiris inta ku najaxda hadba hawsha lagu aamino, goobaha caafimaadka ee waqtigaan ku aflaxay shaqadii ay bulshadooda u hayeen waxaa horseed iyo tusaale fiican u ah Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar oo sanado ka hor loo yaqiinay Isbitaalka Indhaha Al Nuur kaasoo looga bartay adeeg caafimaad oo tayo sare leh.

Taariikhdu markii ay aheyd 22-kii Septembar 2002-dii oo haatan laga joogo  qiyaastii 22 sano ayaa la aasaasay Isbitaalka Indhaha Al-Nuur si uu ugu khidmeeyo shacbiga G/Banaadir iyo degaanada Koonfurta iyo bartamaha Somalia, Isbedallo aad loo jecleystay ayuu la yimid, horumar lagu faani karo ayuu sameeyay, wuxuuna noqday bishaaro u soo degatay bulshada Soomaaliyed ee la ildarnaa cudurada arraga, isagoo xiligaas ahaa Isbitaalkii ugu horeeyey noociisa ee laga hirgeliyo Somalia, kaasoo adeegsanayey qalab casri ah oo loogu talo galay daweynta iyo qaliinka indhaha.

Aqoon, xilkasnimo, dadaal iyo naxariis ayaa astaan u noqotay Isbitaalka waxaana cuduradii hayey laga daweeyey kumanaan qof oo la ildarnaa cudurada indhaha iyo cuduro kale, halka kumanaan kale uu arragoodii u soo laabtay ka dib qaliimo casri ah oo loo sameeyey, iyadoo arintaas ay noqotay Waa cusub oo u baryay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Lama soo koobi karo waxqabadka dhaxal galka ah ee Isbitaalka uu ku talaabsaday mudadii uu jiray, waxaan ka xusi karnaa Mashruuca la dagaalanka indho la’aanta oo ay si bilaash uga faa’iideysteen kumanaan qof oo danyar ah, sameynta barnaamijyo bulshada looga wacyi gelinayey qatarta cudurada indhaha, cilmi baarisyo la xiriira xaaladaha indho la’aanta Somalia, la jaanqaadida teknolojiyada casriga ah ee laga adeegsado caalamka iyo waxyaabaha horumarka leh ee ku soo kordha aqoonta caafimaadka iyo qodobo kale.

Agaasimaha Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah maskaxdii ka dambeysay horumarkan baaxada leh ayaa sheegay in Isbitaalka Dalmar (Ex-Al-Nuur Eye Hospital) uu ahaa kii ugu horeeyey noociisa ee laga furo Koonfurta iyo bartamaha Somalia sanadkii 2002 xilli ay jireen duruufo aad u adag oo dhaqaatiirta qurbaha ku maqnaa badankood ku qasabtay iney ku soo dhiiran waayaan dalka, isagoo xusay in shaqada Isbitaalka aysan maalina joogsanin, ayna mudadaas 22-ka sano ah ka faa’iideysteen adeegyada Isbitaalka dad aad u badan.

“Xaaladihii dagaal ee ka jiray Muqdisho Isbitaalka wey saameeyeen, waxayna keeneen in illaa shan meelood loo raro, waxaa uu ka shaqo bilaabay xarun ku taalla Black sea, ka dibna degmada Heliwaa ayuu u wareegay, Ceelasha biyaha oo labo meelood ah ayaa xigay, Heliwaa ayuu dib ugu laabtay ugu dambeyna xaruntan aan hadda ka hadlayo ee KM-6 ayuu  si rasmi ah u saldhigtay” ayuu yiri agaasimaha.

Isbitaalka Takhasusiga ah ee Dalmar (Dalmar Specialist & Teaching Hospital) oo shaqadiisa bilaabay horaantii sanadkii 2021 ayaa ka mid noqday kuwa ugu casrisan geeska Afrika.

Isbitaalkan oo ah mid caalami ah oo la heer ah Standard-ka lagu qiimeeyo Isbitaalada dalalka horey u maray ayaa waxaa dhismihiisa ku baxay, Maskax, Maal iyo Juhdi fara badan oo muddo dheer soo socday sida uu sheegay Aasaasaha iyo Maamullaha guud ee Isbitaalka, Prof.Dr. C/risaaq Axmed Dalmar.

“Isbitaalkan fikradiisa waxay soo socotay muddo shan sano ka badan, waxayna ka dhalatay baahida Caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed oo aan weli si buuxda u daboolmin, taasoo keentay in bukaano kumanaan gaaraya ay dalka dibeda uga baxaan arrimo caafimaad awgood, iyo dhinaca kale inuu daboolo baahida Jaamacadaha iyo Kuliyaddaha dalka oo u baahnaa xarun ardaydooda tababar iyo cilmi baaris ay ku sameeyaan” ayuu intaas ku daray agaasimaha.

Dr. Dalmar ayaa sheegay in dhowr sano ay socotay diyaarinta Isbitaalka, dhismihiisa, qalabeyntiisa, isku dubaridkiisa nidaamka iyo siyaasada uu ku shaqeyn lahaa iyo diiwaan gelintiisa intaba, isagoo xusay in shaqada Isbitaalku la kowsatay sanadkii 2021, laguna soo daray Isbitaalkii Indhaha Al-Nuur oo ku yiilay isla km-6.

“Isbitaalka taqasusga ah ee Dalmar waa isbitaal guud oo loo dhisay isbitaal ahaan, wuxuu ka kooban yahay, qeybaha bukaan socodka, bukaan jiifka, Sheybaarka, Raajada, daweynta iyo qaliinka Indhaha, Sifeynta kelyaha, Caafimaadka iyo qurxinta ilkaha (Dentistry) gargaarka deg deg ah, dhalmada, qeybaha qaliimada,  waxaana dhismihiisa loo loo qaabeeyey qaabka caalamiga ah ee loo dhiso Isbitaalada, ma ahan guri la kireeyey oo horey u dhisnaa, bilowgii hore ee aasaaska illaa dhagaxa iyo mutuneelka uu ku dhisan yahay dhamaan waa qaab (Anti-Bacterial) ah oo isbitaalka loogu talo galay, wuxuu leeyahay (Lift) ama Wiish lagu qaadayo bukaanada iyo qalab kale oo casri ah, wuxuu kaloo leeyahay System la geliyo xogta heerarka baaritaan ee uu maro bukaanka ilaa dawadiisa uu ka helo” ayuu sidoo kale intaas ku daray Dr. Dalmar.

“Isbitaalka waxaa uu leeyahay qeyb samafal ah oo la yiraahdo Al-Nuur founation oo la aasasay 2005-tii taasoo howlo tabarucaad ah ka fulisay gobolada iyo degmooyinka dalka qaarkood si lacag la’aan ah ahna Qaliimo iyo daweyn ugu fidisay bukaano kumanaan gaaraya oo indhaha ka cabanayey” ayuu intaa ku daray agaasimaha Isbitaalka.

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sidoo kale sheegay Al-Nuur Foundation meelaha ay ka soo shaqeysay ay ka mid yihiin gobolada Sh/dhexe, Sh/hoose, Banaadir, Galgaduud, Bay, Mudug iyo Jubbooyinka, waxaana inoo qorsheysan ayuu yiri inaan gaarno gobolada kale ee dalka hadii ay fursadu u saamaxdo.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray iney u dheer tahay intaas booqasho ay ku tagayeen iskuulada wax lagu barto ee magaalada Muqdisho qaarkood, isagoo xusay in kumanaan  arday ay u sameeyeen daweyn ayna u qeybiyeen ookiyeyaaleyaal bilaash ah.

“Xarunta Isbitaalka waxaa lagu tababaray dufcado badan oo ka baxay Jaamacadda Benaadir, cilmi baarisyo qaarkood lagu soo daabacay jaraa’idka caalamkana waa lagu sameeyey, waxaana u mahad celinayaa heyadaha naga taakuleeyey howlaaheena oo ay ka mid yihiin WHO, Al-Basar International Foundation, Wasaarada caafimaadka dalka, heyadda Mudug Foundation, MSF Isbitaaladii aan ka howlgalnay ee gobolada iyo shaqaalihii joogay, heyadda Towfiiq, heyadda SRDF, Heyadda Muslim Aid iyo Jaamacadda Banaadir oo wada shaqeyn ay naga dhexeyso” ayuu intaa ku daray agaasimaha Isbitaalka Dalmar.

Waa kuma Prof.Dr. C/risaaq Axmed Dalmar?

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar waa dhaqtar Soomaaliyeed oo ku taqasusay cudurada arraga (Consultant, Ophthalmoligist), wuxuuna shahaadada dhaqtarnimada ka qaatay Jaamacadii hore ee Ummadda, isagoo helay darajada ugu sareysa oo u suuragelisay in isla kuliyadda ay u qaadato Barre kaaliye muddo lix sanadood ah xiliga burburka ka hor, wuxuuna sidoo kale tababaro badan ku qaatay kuliyadda Caafimaadka kana soo shaqeeyey qeybta indhaha ee isbitaalada Digfeer iyo Afgooye.

Sidoo kale Dr. Dalmar ayaa dagaaladii sokeeye ka dib u wareegay dalka Britain isagoo shahaadada taqasuska ee daweynta iyo qaliinka Indhaha ka qaatay Jaamacadda Bristol University, sidoo kale waxaa uu ka qaatay Jaamacadda London shahaadada heerka labaad ee Caafimaadka bulshada (Master of Puplic health), wuxuuna shahaadada Phd ee daweynta indhaha iyo maskaxda ku diyaariyey University Collegge of London, isbitaalo iyo Jaamacado ku yaalla isla magaalada London ayuuna muddo ka howlgalay.

Dalal ku yaalla Afrika iyo Aasiya ayuu sidoo kale ka soo shaqeeyey Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, kuwaasoo ay ka mid yihiin Gambia, Ghana, Ethiopia, Tanszania iyo India, isagoo dhinaca kale Koorsooyin waxbarasho ku soo qaatay dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Jarmalka, wuxuuna ku soo laabtay dalka sanadkii 2001, waxaana sanadkii xigay ee 2002-da isaga iyo aqoonyahano kale oo dhaqaatiir u badan ay dhidibada u aaseen Jaamacadda Banaadir oo sidoo kalena uu Barre ka yahay.

Sanadihii 2012-2019 ayaa Dr. C/risaaq Axmed Dalmar waxaa uu noqday Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir isagoo mudadii uu xilkaas ku soo kordhiyey kuliyaddo badan iyo qeybta Taqasuska kuwaasoo ay hadda wax ka bartaan kumanaan arday, halka kumanaan kalena ay horey uga aflaxeen isagoo ka mid ah shaqsiyaadka fara ku tiriska ah ee bulshadooda wax badan taray illaa hadana garab taagan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Qodobada ugu Muhiimsan ee ku jiray War Murtiyeedkii Shirkii Golaha wadatashiga

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada oo kulan ku yeeshay Muqdisho & qorsheyaal la hor dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Duqeyn lagu dilay dad iyo boqolaal neef oo Geel ah oo ka dhacday Deegaanka Mellit

Cabdi Cade
Taboola Ads ---