Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo diiday hadal ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Netanyahu

Dowladda Soomaaliya si adag u diiday hadalkii Ra’iisul wasaaraha Israel ee ahaa in shacabka Falastiin loo raro dalka Sucuudiga halkaasna laga dhiso maamul u gaar ah.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale si adag u diiday qorshayaal kasta oo lagu barakicinayo dadka Falastiiniyiinta, taasoo ah xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha

Waxay ku baaqeysaa dadaallo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo cadaalad oo ka hana qaada gobolka sida lagu sheegay War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo si kulul u Cambaareysay hadalka Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku soo jeediyay in dhulka Sacuudiga lagu dhiso dowlad Falastiin.

War qoraala oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda sacuudiga ayaa lagu sheegay Netanyahu ku qarinayo Dambiyadii uu u geystay dadka reer Falastiin islamarkaana indhaha caalamka ka jeedinayo xaqiiqada.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO AFKA CARABIGA KU QORAN

Related posts

Madaxweyne Putin oo booqasho kharsoodi ah ku tagay furun dagaal (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Wiil uu dhalay Wariye Jamal Khashoggi oo Mareykanka gaaray

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo labo qodob kala hadlay danjiraha Ruushka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---