Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxay leedahay taariikh isboorti oo hodan ah, iyadoo ay ka soo baxeen ciyaartoy caan ah oo heer qaran ah. Maamulka isboortiga degmada ayaa marar badan soo qabanqaabiyay tartamo iyo munaasabado lagu horumarinayo ciyaaraha, laguna dhiirrigelinayo dhalinyarada.
Cali Rooble Nuur oo ah Xoghayihii hore ee Isboortiga degmada Waaberi ayaa ka waramay horumarkii Isboorti ee ay ku talaabsatay degmada iyo Guulihii ay ka gaartay tartamadii ay ka qeyb gashay.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Cali Rooble waxaa uu xusay in xilka kubada cagta ee degmada Waaberi uu burburkii ka dib ku guuleystay koobka degmooyinka G/Banaadir sanadihii 2017-2018, isagoo xusay in sidoo kale kooxdu ay finalka tartankaas gaartay sanadihii 2014-2015 & 2019, waxaa uu sheegay in xulka gabdhaha Kubada koleyga degmada ay qaadeen koobka degmooyinka Muqdisho sanadkii 2014 isagoo xusay iney jiraan tartamo iskugu jira Kubada koleyga, laliska iyo ciyaaraha fudud oo ciyaartoyda degmadu ay kaalimo wanaagsan ka galeen.
Cali Rooble ayaa intaas ku daray in dhalinyarada degmada sanad walba loo qabto tartamo ay ka qeyb galaan waaxyaha iyo laamaha degmada kuwaasoo abaabulkooda uu qeyb weyn ku lahaa Ku-xigeenkii hore Xoghayaha Isboortiga degmada Cali Yuusuf Ibrahim si loo soo saaro ciyaartoy degmada iyo Qarankaba ku meteli kara tartamada kala duwan ee isboortiga.
Waxaa uu sheegay talaabooyinkaas ay suuragaliyeen in degmada ay ka soo baxaan ciyaartoy tayo leh oo qaarkood gaaray iney tartamada Heer degmo, heer gobol iyo kuwa caalamiga ahba ku metelaan Somalia kuwaasoo laga xusi karo laacibiinta kala ah weeraryahankii C/llaahi Yariisow iyo C/llaahi Faarax oo daafaca uga ciyaaray xulka Qaranka kuwaasoo guulo la taaban karo u soo hoyey Somalia.
Waxaa uu sheegay in degmada ay sidoo kale ka soo baxeen kaadiriin isboorti oo heerar kala duwan leh kuwaasoo u suuragaliyey iney ka mid noqoto degmooyinka looga dambeeyo horumarka dhinaca isboortiga gaar ahaan kubada cagta, kubada koleyga iyo noocyada kale ee ciyaaraha.
Dhalinyaradii u kacay horumarinta Isboortiga degmada waxaa laga xusi karaa Gudoomiyihii hore xiriirka kubada cagta Soomaliyeed marxuum ILAAHAY ha u naxariistee Saciid Maxamed Nuur (Mukambe) oo ku dhintay qaraxii ka dhacay tiyaatarka 4-tii Abriil sanadkii 2012, waxaa kaloo ka mid ah Marxuum Mahad Boorow oo ahaa Xoghayaha Isboortiga degmada iyo Cali Yusuf Ibraahin oo ahaa ku xigeenkii 2aad ee xoghayaha Isboortiga. sidoo kalena soo noqday Xoghayaha naadiga heerka labaad ee Dahabshiil.
Sidoo kale rug cadaagii Isboorti ee ka soo baxay degmada waxaa ka mid ahaa C/llaahi Siyaad, Abuukar Islow, Shiikh Saalax iyo qaar kale oo badan.
Waxaa uu xusay in guulaha isboorti ee ay gaartay degmada Waaberi ay sabab u ahaayeen isku duubnida iyo wada shaqeynta mas’uuliyinta, taageerayaasha, tababarayaasha iyo ciyaartoyda degmada.
Si gaar ah waxaa uu u xusay in degmada ay laheyd taageerayaal jadbeysan oo ka tilmamaan garoomada ciyaaraha kuwaasoo qeyb ku lahaa guulaha xulka degmada, garoomadana ka dhiga wacdaro dhiirigelin u noqonaya ciyaartoyda waxaana uu tilmaamay in taageerayaasha caanka ah ee degmada ay ka mid yihiin Cali Guudey oo ka mid ahaa dhalinta ku caan baxay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka & Maamo Coley oo ah hooyo astaan u ah taageerayaasha degmada.
“Sanadkii 2021, maamulka Isboortiga degmada Waaberi ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay ciyaartooydii hore ee dalka iyo qurbojoogta ku soo laabaneysay Muqdisho. Kulankan ayaa lagu muujiyay sida ay degmada ugu diyaar tahay horumarinta isboortiga iyo soo dhaweynta bahda ciyaaraha ee gudaha iyo dibadda” ayuu yiri Cali Rooble
Waxaa xusid mudan in degmada Waaberi ay leedahay Akadeemiyo isboorti oo lagu magacaabo “Akadeemiyada Waaberi”, taasoo lagu taageero dhalinyarada jecel ciyaaraha, lana siiyo qalab isboorti iyo tababaro kala duwan waxaan ka mid ahaa raggii aasaasay Cali Yuusuf Ibraahim oo ahaa ku xigeenka labaad ee Xoghayaha Isboortiga degmada.
“Dadaalladan iyo kuwa kale oo badan ayaa ka tarjumaya sida ay degmada Waaberi uga go’an tahay horumarinta isboortiga iyo dhiirrigelinta dhalinyarada si ay u gaaraan guulo waaweyn oo heer qaran iyo caalami ah” ayuu hadallkiisa ku soo gebagebeeyey Cali Rooble Nuur.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA