Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Israel oo ka baxay marinka kala qeybiya Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa Axadda maanta ah bilaabay ka bixitaanka marinka istiraatiijiga ah ee Netzarim oo ku yaalla Gaza, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Israa’iil iyo Xamaas. Tallaabadan ayaa qayb ka ah ballanqaadyada Israa’iil ee xabbad-joojinta jilicsan ee ay la gashay Xamaas, taasoo si tartiib ah u socota balse wajahaysa tijaabo adag oo la xiriirta in labada dhinac ay heshiis ku gaari karaan sii wadidda xabbad-joojinta.

Israa’iil ayaa heshiiska xabbad-joojinta ku ogolaatay in ciidamadeeda ay kala baxdo marinka Netzarim, oo ah marin cabbirkiisu yahay 6-km ah oo kala qaybiya waqooyiga iyo koonfurta Gaza, loona adeegsaday goob milatari intii uu dagaalku socday.

Markii xabbad-joojintu billaabatay bishii hore, Israa’iil waxay ogolaatay in Falastiiniyiinta ay marinka Netzarim u adeegsadaan inay ku laabtaan guryahooda burburay ee waqooyiga Gaza, iyada oo kumannaan qof ay cagtooda iyo baabuur ugu socdaaleen dhinaca woqooyi. Ka bixidda ciidamada Israa’iil ee goobtaas ayaa ah mid ka mid ah qodobada heshiiska, kaasoo hakiyay dagaalkii socday 15-ka bilood.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ergo u diray dalka Qatar, oo ah dhexdhexaadiyaha muhiimka ah ee dhinaca wadaxaajoodka ah, balse ergada waxaa kamid ah saraakiil heer hoose ah, arrintaas dhalisay shaki ah in aysan keeni doonin natiijo wax ka tarta xabbad-joojinta. Netanyahu ayaa sidoo kale la filayaa inuu toddobaadkan shir la yeesho wasiirradiisa muhiimka ah si ay uga wada hadlaan wejiga labaad ee heshiiska.

Related posts

Soomaali laga soo tarxiilay Maraykanka oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho

Caydiid Ali

Doorasho la isku wada tanaasulay oo maanta ka dhacay Muqdisho (Yaa kusoo baxay)

Cabdi Cade

Siyaasi Caan ah oo shaaciyay in uu tuug ahaan jiray iyo xabsiyadii lagu soo xiray!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---