Allbanaadir.com
NEWS

Agaasime Dhuxulow oo wafdi ka socda Norwey kala hadlay..

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Dowladda Norway, oo uu hoggaaminayay Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Socdaalka, Mudane Knut Holm.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn wafdiga si diirran u soo dhaweeyay isla markaana uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Norway.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka labada dhinac, iyadoo Agaasimaha Guud uu si gaar ah ula wadaagay qorshaha dhismaha Machadka Tababarada ee Hay’adda, kaas oo kor u qaadi doona aqoonta iyo khibradda saraakiisha.

Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Socdaalka dalka Norway Mudane Knut Holm ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhawaynta, waxaa uuna xusay isagoo tixgelinaya codsiga Agaasimaha Guud in Dowladda Norway ay gacan ka geysan doonto sare u qaadista aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliyeed iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarineed ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Related posts

Daawo: Salaad Cali Jeelle oo Madaxweyne Farmaajo ka difaacay Weerarkii Xasan Shiikh

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo War kasoo saaray Doorashada Turkiga iyo Guusha Erdogan

Cabdi Cade

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo goordhay bilaabaneysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---