Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo kormeer shaqo maanta sameeyay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah Wasaaraddaha Dowladda, isagoo u kuurgalaya habsami u socodka shaqooyinka Wasaaraddaha.

Madaxweynaha ayaa kormeerka ku tagay Wasaaraddaha Kala ah Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka, Biyaha iyo Tamarta, Xanaanada Xoolaha, Howlaha Guud,Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Beeraha iyo Waraabka, Badroolka iyo Macdanta.

Intii uu kormeerka socday, Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyay howlwadeennada Wasaaraddaha inay dadaalkooda laba jibaaraan, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

Kormeerkan shaqo uu sameeyay Madaxweynaha Jubbaland , ayaa imaanaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay aan muuqiisa la arag kaddib safar uu uga soo laabtay dalka Kenya.

Related posts

Ciidamada Danab oo saakay la wareegay deegaano Al Shabaab maamulayeen

Cabdi Cade

Aflagaadadii Diinta Islaamka ee Madaxweyne Macron oo Sababtay in Pogba qaato go’aan adag

Cabdi Cade

DEG DEG: Guutooyin ka tirsan Milateriga Somaliland oo u soo dhaqaaqay Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---