Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa lacag aad u badan oo lagu kala iibsaday kabaha ciyaaryahan hore oo geeriyooday, kaa caan ku ahaa ciyaarista kubadda kolayga.
Kabaha uu xirtay xiddiggii kubbadda cagta Kobe Bryant mar uu dhaawac gaaray isagoo ka qeyb galayay cayaaraha sanadkii 2013 ayaa lagu xaraashay lacag dhan $660,000 (£532,000).
Xiddigan ayaa matalayay kooxda Los Angeles Lakers, waxaaba lagu xasuustaa isaga oo dhaawac uu sii watay in uu ciyaaro kulanka ay la ciyaarayeen kooxda Golden State Warriors, waxa uuna Bryant sii ciyaarayay isaga oo xanuun dareemayay.
Bryanta ayaa geeriyooday isagoo 41 jir ah kadib shil diyaaradeed uu galay, waxaana xiddigan la geeriyootay gabar uu dhalay oo 13 sanno jir aheyd, shilkan oo sidoo kale ku geeriyoodeen dad kale ayaa dhacay bishii January 2020 ka dhacay Calabasas, California.