Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo arrimo muhiim ah kala hadlay Pier Mario

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaallya Danjire Pier Mario Docco Coppi.

Kulankan ay yeesheen guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Saiirka Talyaaniga ayaa waxa ay kaga  wada hadleen xoojinta xiriirka iyo saaxiibtinimada baarlamaanadda labada waddan.

Danjiraha dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, ayaa sheegay labada wadan ee Talyaaniga iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan taabanaya hadana uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo bogaadiyay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada Dal ee Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa Dowladda Talyaaniga iyo midowga Yurub uga mahadceliyay taageeradooda Soomaaiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaabiis Soomaali ah oo laga soo dejiyey garoonka dayuuradaha Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga oo howlgal khasaaro lagu gaarsiiyay Al Shabaab saakay fuliyay

Cabdi Cade

Karaash oo hal arrin kala dardaarmay ciidamo uu tababar u soo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---