Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo ka hadashay qorshaha Shacabka Gasa loogu soo rarayo

War-saxaafadeed kasoo baxay maamul goboleedka Puntland, oo lagu qoray luuqada Ingiriiska  ayaa lagu shaaciyay in ay ixtiraamayaan xuquuqda shacabka reer Falastiin u leeyihiin in ay si nabbad ah ugu noolaadaan dalkooda.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo soo saaray war-saxaafadeedkan ayaa caddeeyay in faalladii wasiir ku xigeenkiisa Yacquub Cabdalle ku qoray wargeyskaThe Daily Telegraph aysan ka turjumayn mowqifka Rasmiga ah ee Puntland balse ay ahayd aragtidiisa shakhsiga ah.

“Puntland waxay ixtiraamaysaa xuquuqda reer Falastiin u leyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dalkooda, Faaladii Wasiir kuxigeenka Warfaafinta kama turjumayn aragtidada Dawlada Puntland waxay ahayd oo keliya aragtidiisa shaqsi oo keliya,” ayuu yiri wasiir Dirir.

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheeneysa in shacabka magaakada Gasa ku dhaqan halkaasi laga raro lana geeyo dalal carbeed oo Soomalaiya kamid tahay, gaar ahaan goobaha farta lagu fiiqay ayaa waxaa kamid ah deegaannada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku-simaha Madaxweynaha oo Xaqiraad ku eedeeyay Xukuumada R/W Kheyre

admin

Amaro lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka hadlay geerida ku timid Madaxweynihii dalka Imaaraadka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---