Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo xoog ku galay guriga Hooyooyinka xabsigana dhigay haweenkii joogay

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, ayaa saakay xoog ku galay guriga Hooyooyinka oo kuyaalla kasoo horjeedka Tiyaatarka Qaranka, waxaana gurigan muddooyinkii lasoo dhaafay ka taagnaa khilaaf u dhaxeeyay Wasaaradda Haweenka iyo Ururka Hooyooyinka Qaranka.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada booliiska oo watay gaadiidka dagaalka ayaa saakay tagay dhismaha guriga Hooyooyinka, waxa ayna ciidamada u daateen xafiisyada ku yaallay xaruntaasi oo inta badan joogeen xubno katirsan ururka Hooyooyinka.

Ciidamada ayaa xabsi u taxaabay qaar kamid ah haweenkii loogu tagay guriga Hooyooyinka, waxa ayna ciidamada qunfulo ay wateen saareen xafiisyadii ay halkaasi kaga sugnaayeen xubnaha hooyooyinka Qaranka katirsan.

Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe, ayaa sheegay in saakay xaruntooda kusoo weerareen ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya, waxa ayna xustay in ciidankan uu soo amray Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Waxa ay sheegtay Batuulo Gaballe in guriga Hooyooyinka xoog kula wareegeen ciidanka Xukuumadda soo dirtay, waxa ayna xustay in ciidamada garaaceen sidoo kale dhibaateeyeen haweenkii Soomaaliyeed ee ku shaqeenayay guriga Hooyooyinka.

Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska , ayaa horey u amartay in ururka Hooyooyinka Qaranka ka baxaan dhismahan ay sheegtay Wasaaraddu in ay u baahan tahay, waxaana arrintaasi kasoo horjeestay ururka Haweenka Qaranka oo sheegay in gurigu iyagu leeyihiin Wasaaradana shaqo ku laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab iyo Milatariga Kenya oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Faax Faaxdhuun

Cabdi Cade

Puntland oo faahfaahin ka bixisay weerarkii ka dhacay Boosaaso & Al-Shabaab oo..

Caydiid Ali

Galmudug oo talaabo adag ka qaaday iskuul jabiyey awaamiirta ka hortagga Covid-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---