Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Kumandoska Danab oo weeraray degaanka Wayaanta

Ciidanka Jubbaland iyo kuwa  Kumaandooska Gaarka ah ee Danab ayaa si wadajir ah howlgal qorsheysan uga fuliyay deegaanka Wayaanta ee Gobolka Jubbada Hoose halkaasoo ay ku sugnaayeen Al Shabaab

Howlgalka oo ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay, waxaa ujeedkiisu ahaa in lagu bartilmaameedsado godad dhulka hoostiisa ah oo ay al shabaab ku jireen, iyadoo howlgalku ku bilaabmay madaafiic xooggan oo lagu riday goobta, kadibna ciidanka ayaa si toos ah ula wareegay deegaanka.

Ciidamada Jubbaland iyo Kumaandoska Danab ayaa ku guuleystay in ay dhulka la simaan godadkii ay Al shabaab ku jireen, iyadoo meydad badan godadkaas loogu tagay.

“Ciidanku waxay weli ku daba jiraan firxadka Khawaarijtii ka carartay godadkoodii, iyadoo la filayo in hawlgalku sii socdo ilaa si buuxda aagaasi looga ciribtirayo Kooxda Khawaarijta” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka

Related posts

Eritreya oo shuruud ku xirtay Xulka ku metelaya ciyaaraha dibeda si aysan u baxsanin

Caydiid Ali

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo xilka si rasmi ah ula wareegay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Cali Jeyte oo Shakiyay iskana diiday Casuumad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---