Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafa Duhulow ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlayay dagaalka lagula jiro kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, iyo kaalinta Heyada ee taageerada iyo garab-istaagga ciidamada amniga ee ku howlan dib u xoreynta dalka.
Ugu horeyn, waxaa kulanka kelmado wacdi & baraarujin ah oo ku saabsan sida ay waajib u tahay in dalka looga xoreeyo Daacish iyo Alshabaab iyo kaalinta looga baahan yahay iney ka qaadato Heyadda, ka soo jeediyay Gudooomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed Shiikh Bashir Ahmed Salaad oo lagu martiqaaday kulanka, kana mid ah Culimada waaweyn ee dalkeena.
Intaa kadib, Agaasimaha Laanta 6-aad ee Puntland, Mudane Fu’aad Cabdullaahi Cismaan ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan shaqada ka socota xarumaha Heyadda ee Puntland, isagoo xusay in dhammaan xarumaha hay’addu ay heegan buuxa ku jireen tan iyo markii ay dagaallada ka dhanka ah Daacish ka billowdeen deegaannada Puntland.
Sidoo kale, Waxaa kulanka Warbixino kooban looga dhegeystay Agaasimayaasha waaxyaha Heyadda, kuwaasoo iyaguna dhankooda xusay inay socdaan qorshayaal xoog leh oo lagu derdergalinayo fududeynta adeegyada Heyadda, iyo sidii loo dhameystiri lahaa baahiyaha ka jira deegaanada ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamul Goboleedyada kula dagaalamayaan Daacish iyo Al shabaab.
Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa ku adkeeyay Ag/waaxeedyada Hey’adda in la sii labo jibbaaro adeegga bixinta baasaboorka, si loo fududeeyo howlaha adeegga baasaboor bixinta ee la xiriira howlgalada dib u xoreynta dalka. Waxa uu Agaasimuhu hoosta ka xarriiqay in HSJ ay dadaal dheeraad ah gelisay fududeynta bixinta dukumentiyada safarka, si wax looga qabto baahiyaha deg-degga ah, gaar ahaan kuwa la xiriira amniga iyo howl-galada dib u xoreynta, taasoo qayb ka ah xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida dalka.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu magacaabay guddi ka kooban shan xubnood, kuwaas oo si gaar ah ula socon doona xaaladaha deg-degga ah ee ka dhasha dagaallada lagula jiro argagixisada, gaar ahaan kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad ee deegaanada Puntland.