Wasaarada shaqada & arrimaha bulshada ee Dowlada Somalia ayaa soo saartay amar faraya dhammaan loo shaqeeyayaasha inay goobahooda shaqada iyo shaqaalaha iney si rasmi ah isaga soo diiwaangeliyaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
“Diiwaangelintu waa mid 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐬𝐡 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐡𝐞𝐲𝐧 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠, marka laga reebo shahaadada badqabka caafimaadka iyo goobaha shaqada. Shahaadadan waa mid muhiim ah oo loogu talagalay in lagu hubiyo Badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada oo sidan hoose u qornaa:-
𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐚𝐛𝐬𝐚𝐧 𝐃𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐨𝐨𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐚
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargelinaysaa dhammaan loo shaqeeyayaasha inay goobahooda shaqada iyo shaqaalaha si rasmi ah ay uga diiwaangeliyan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, diiwaangelintuna waa mid 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐬𝐡 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐡𝐞𝐲𝐧 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠, marka laga reebo shahaadada badqabka caafimaadka iyo goobaha shaqada. Shahaadadan waa mid muhiim ah oo loogu talagalay in lagu hubiyo Badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada, waxaa sidoo kale muhiim ah in la dhaqan-geliyo habraaca badqabka iyo caafimaadka kaas oo ku xusan sharciga dhaqangalka ah ee Xeerka Shaqada (𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐋𝐚𝐛𝐨𝐫 𝐂𝐨𝐝𝐞).
Goobaha shaqaddu waxay heli doonaan tababarro la xiriira sharciga shaqada, xuquuqda shaqaalaha, badqabka goobta shaqda iyo hirgelinta Jawi shaqo oo badqab leh.
Loo-shaqeeyaha waxaa la farayaa in Shaqaalaha ka taxadaraan ayna ka ilaaliyaan khataraha ka imaan kara goobaha shqadda kuwaas oo ah sida 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚, 𝐤𝐨𝐫𝐨𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚, 𝐰𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚, 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐚𝐰𝐞𝐲𝐧, 𝐢𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐚𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫 ee ka shaqeeya meelaha halista ah ee sababi kara khatar ka dhalan karta Goobta shaqadda.
Sidaas darteed, waxaa la caddeynayaa in aysan jirin 𝐰𝐚𝐱 𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐤𝐡𝐚𝐬𝐚𝐛 𝐚𝐡 oo ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada kusoo rogayso ganacsatada iyo shaqaalaha. Habkan diiwaangelinta waxa uu muhiimad gaar ah siinayaa ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, horumarinta kobaca dhaqaale, iyo abuurista jawi shaqo oo nabdoon, sharciyeysan, islamarkaana suurtagelinaya in shaqaalaha Soomaaliyeed ay si sharaf leh ugu shaqeeyaan goobo badbaado leh.
Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga Guddaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigay guullaha laga gaaray la dagaalanka Al shabaab iyo Daacish