Allbanaadir.com
NEWS

DF oo soo saartay digniin la xiriirta Al-Shabaab & Daacish

Wasiiradda Wasaaraddaha Amniga Guddaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigay guullaha laga gaaray la dagaalanka Al shabaab iyo Daacish

Wasiiradda ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda hadafkeeda koowaad uu yahay la dagaalanka Al shabaab iyo Daacish, iyadoo intii dagaalku socday dhamaan lagu jabiyey furimaha dagaalka labada kooxood.

Sidoo kale, Wasiiradda ayaa soo bandhigay in looga adkaaday dagaalka Maaliyadda, dagaalka warbaahinta, dagaalka fikirka iyo furimaha dagaalkaba.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Fartaag oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa digniin u diray dadka lacagaha maalgalinta ah siiya Kooxaha Al shabaab iyo Daacish Sidoo kale wasiirka Amniga ayaa shaaca ka qaaday in ay ka taageerayaan shacabka Puntland la dagaalanka kooxda Daacish.

Wasiirka Amniga ayaa isticmaalay inta uu ku guday shirka Jaraa’id odhaah xigmad xambaarsan oo aheyd Maalkaaga haku dilin Naftaada, isaga dhanka kale sheegay in laga xiray koontooyinkii ay lacagta dhigan jireen Al shabaab iyo Daacish, haya’addaha amnigana ay u taagan yihiin jid kasta qof kasta oo isku dayo in uu la shaqeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Muqtaar Roobow ayaa isaguna dhankiisa adkeeyey in aan marnaba la aqbalayn in cid bixiso dhaqaale lagu haligayo shacabka Soomaaliyeed

“Meelaha ay dowladdu ka taliso sida Suuqa Bakaaraha qiil uma heli doonaan in ay yiraahdaan baad ayaa nagala rabaa.”ayuu yiri Wasiir Mukhtaar.

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Cabdirixmaan Yuusuf Sheekh Al cadaala oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in dowlada ay heyso xog dad si toos ah iyo si dadban umaalgaliya Kooxaha Al-shabaab iyo daacish.

Ugu dambayn wasiiradda ayaa shacabka uga digay in kooxahaas xiriir lala yeesho, iyagoo amray in qofkii ay la soo xiriiraan uu soo wargeliyo laammaha amniga ee Dowladda.

Related posts

Saddex Musharax oo ku loolamaya guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland

Cabdi Cade

Booliska Canada oo dabagal dheer ka dib gacanta ku dhigay Abilaziz Mohamed

Caydiid Ali

Qaybta 2aad :-Muxuu ahaa codkii mucjisada ahaa ee la maqashiiyay Nebi Suleymaan CS? (Qiso cajiib ah)

admin
Taboola Ads ---