Dowladda dhexe ee Soomaaliya ciidankeeda mileteriga ah awoodoodu waxey ku siman tahay iney difaacaan magaalo madaxda Muqdisho iyo labada gobol ee ku hareereysan oo kala ah Shabellada Dhexe iyo Shabellada Hoose, waxaana tiro badida ciidanka iyo tayentooda suurto gelin weysey dhaqaalaha dowladda Soomaaliya oo aan aad u xoogg badneyn iyo tashiilaadka ay u baahan yihiin ciidanka oo meesha ka maqan, waxaana isku gurmad la’aanta ciidan keentay nidaamka federaalka oo maamul goboleedyadu ay si xun oo qabyaaladeysan ay u fasirteen.
Ciidan mileteri oo qalabeysan waxa keliya ee sameysan kara waa dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxeyna masiibadu ka bilaabatay markii la ogolaaday in maamul goboleedyadu ay sameystaan ciidamo maleeshiyaada oo laga dhigay ciidanka mileteriga maamul goboleedyada, kuwaas oo ka soo horjeestey in ciidanka mileteriga qaranka ay dib ugu soo noqdaan saldhigyadoodii ay ku lahayeen maamul goboleedyada oo ay dhacday intooda badan in lagu wareejiyey maleeshiyaadkaas ay intooda badan ay soo hubeysey Itobiya iyo Emiraadka, waxeyna taasi shaki weyn gelisey jiritaanka ciidanka qaranka ee Xoogga Dalka Soomaaliya.
Muqdisho iyo gobolada ku hareereysan ayaa sidii dowladnimada Soomaaliya dib loogu soo aasaasay sannadkii 2000, ayaa difaaca amnigooda wuxuu ku soo koobmay iska caabinta ay sameynayeen ciidamo laga soo qoray deegaankooda, waxaana la waayey maamul goboleed kale oo u soo dira ciidamo gurmada oo xoojiya iska caabinta ay kula jiraan hagjiriinta xasuuqa ku haysey shacabka goboladaas, waxaana lagu qiyaasaa in Muqdisho oo keliya ay ku weysey duulaamadaas saraakiil qiimo leh , ciidan, iyo shacab rayida oo kor u dhaafaya 25 kun.
Galmudug ayaa waxaa qasaaro baaxadweyn ay ka soo gaartey la dagaalanka xagjiriinta, kuwaas oo weli haysta qeybo ka mida deegaanadeeda, waxeyna dagaaladaas ay ku weysey waxgarad, saraakiil culus, iyo shacab rayida oo lagu qiyaaso in ka badan 20 kun, waxeyna dadkaas dhintay ay u badnaayeen naftooda hureyaashii culumada Ahlu Suna Wal Jamaaca, waxeyna madaxda maamul goboleedkaas ay mar kasta ku tashanayeen awoodooda ciidan iyo shacabkooda naftihurinimada kula garab taagnaa ciidanka dowladooda, waxeyna ogsoonaayeen iney isku tashadaan oo aysan waxba ka sugin dowladda dhexe oo taagteedu aysan wax badan ku soo kordhineyn iyo iney si dhalanteeda uga fishaan gurmad uga yimaada maamul goboleedyada kale.
Gobolka Hiiraan oo awoodiisa keliya ku mitiday ayaa waxaa xasuuq joogto ah uu ka soo gaarayey duulaanka ay ku hayaan xagjiriinta oo mood, maal, xoolo, iyo dadba dhameeyey, waxeyna duulaamadaas ay ku waayeen dad qiimo badan ku dhex lahaa bulshadooda, waxeyna ugu dambeystii go’aansadeen in shacabkooda ay ka difaacdaan xagjiriinta, waxeyna abuurteen ciidamo shacab oo dagaal la gala xagjiriinta, waxeyna dagaaladaas ku waayeen tiro badan oo ka mida ciidanka shacabka oo qiyas ahaan gaaraya ilaa 10 kun oo naftooda hureyaal ah, waxeyna iska caabintooda ku timid isku tashigooda aysan cid kale gurmad uga sugeyn.
Maamulka Puntland wuxuu gooyey xiriirkii midnimada oo kala dhexeysey dowladda dhexe, wuxuuna cadeeyey inuu isaga filan yahay inuu wax weydiisto dowladda dhexe oo uu ka madax banana yahay, waxeyna ahaayeen madaxdoodu kuwo meel dheer ka fiirsada xasuuqyada ay xagjiriintu u geysaneysey shacabka ku nool maaml goboleedyada ka jira gobolada dhexe iyo kuwa koofureed, waxeyna taageero la’aantoodu ay u muuqatay kuwo ku faraxsan dhibka soo gaaraya shacabkaas walaalahooda oo ay dhibaatadu ka haysato xasuuqa xagjiriinta.
Waxey kaloo maamul goboleedka Puntland ay qalad weyn ku gashay iney indhaha ka daawaneysey xagjiriinta Daacish oo ku soo xoogeysanayey maamulkeeda, iyadoo aan wax tilaabo ah ka qaadin xagjiriintaas ay tiradoodu ku sii badaneysey dhufeysyada ay ka sameysanayeen buuraheeda, waxeyna taas bedelkeeda xoogga saartay sidii ay dagaal xoogg leh ay ula gasho ciidanka Soomaaliland oo saldhigyadoodu ay ku yaaleen agagaarka Laascaanood, waxeyna sidaas uga ilduufeen xooggaga daacish oo ku sii laba lixaadsaday gobolka Bari oo ay intiisa badan haysteen.
Puntland ayaa waxey ku baraarugtey markii xagjiriinta Daacish ay weeraro ku soo ekeeyeen degmooyin iyo tuulooyin fara badan, kuwaas oo ay gacanta ku dhigeen intooda badan, waxeyna markii ugu horeysey dhedhemiyeen qasaarooyin nafeed iyo waxyeelooyin ka soo gaarey ciidanka maamul goboleedkooda oo qiyas ahaan gaaraya dhowr boqol, markaas ayey bilaabeen iney afka furtaan oo ay dowladii ay mar hore ka xarig furteen u qeylo dhaansadeen, waxaana sideedaba aan meel isla geli karin nuglanaanta, wadno-weynida, iyo waawareyda ay ku baroor diiqayaan, iyagoo xeeladaas ay ku doonayaan in si ka duwan maamul goboleedyada kale ay markasta ku helaan sad dheeriya oo loogu yeelayo waxa ay rabaan oo weliba ay taas uu sii wehliso abaal ka dhacooda.
Waxaa ah wax lala yaabo siyaasiyiinta mucaaradka oo degen Muqdisho iney Puntland dhaqaale mucaaradeysan ay ugu gurmanayaan, iyagoo aan weligood isweydiin xataa dareen ahaan ineysan marna weligood u gelin qalbigooda ka danqashadooda ku aadan dagaalada lagu hoobanayo ee ka jira deegaanada ay ka soo jeedaan, waxeyna taas shacabka Soomaaliyeed ay xasuusineysaa ka shalaay la’aantooda taloxumadii ay dastuurkii laga soo minguuriyey xukunkii Tigreyga ee Mele Zanawi oo weli ay waxyeelada dhibaatadiisu ay ka taagan tahay dowladda dhexe oo ay Garowe I, II, III ay madaxda hadda ah mucaaradka ay uga soo xawileen dowladda dhexe, waxaana ay siyaasad xumadaas ay tilmaan buuxda ka bixineysaa taagdarada ka haysta aragtidooda ku wajahan raadinta hiilo nuxurkeedu qiimo dhacay.
Puntland waxaa la gudboon inta ay qeylo dhaanta waawareyda ah iska deyso iney isku tashato sida ay isugu tashadeen maamul goboleedyada kale ee ka jira dalka, waxaana hubaala in mucaaradka sumeysan aysan hiiladooda difaac ka heleyn, balse ay doonayaan Puntland iney ka dhigaan goob yeelata cadowyo badan, kuwaas oo waxyeeladooda isbiirsaday ay dhaawaceyso siyaasadeed, ciidankeeda, dhaqaalaheeda, iyo bulshadeeda, kuwaas oo culaabta ku sii kordhineysa iney ka sii daraan xaaladaheeda murugeysan, waxeyna tilaabooyinkaas ay u horseedayaan burbur xooggan oo ku yimaada maamulkeeda.
Dowladda Soomaaliya mabda’ ahaan waa taageersan tahay la dagaalanka xagjiriinta, balse suurtogal uma ahan in ciidan laga kala keenay maamul goboleedyada kale lagu taageero difaacida amniga maamul goboleedka Puntland oo horay looga waayey garasho iyo danqasho midnimo iyo u turida maslaxadda guud ee midnimada Soomaaliya, waxaana xadgudub ihaaneysan ay ku noqoneysa dowladda Soomaaliya haddii ay u sameyso Puntland oo dowladda dhexe mar hore ka xarig furatay wax aysan u sameyn maamul goboleedyada kale ee ku dhibaateysan duulaanka xagjiriinta.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Saciidciise258@aol.com