Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas iyo Israel oo mar kale is dhaafsaday Maxaabiis (Sawirro)

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deysay saddex kale oo la haystayaal Israa’iiliyiin ah taasi oo qayb ka ah heshiis xabbad-joojin ah oo aan caga badan ku taagneyn, xitaa iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sii wado inuu ka hadlo qorshihiisa la wareegista Marinka Gaza.

Waa markii shanaad oo ay is-dhaafsadaan tan iyo markii bishii hore ay dhaqan gashay xabbad joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xamaas.

Eli Sharabi oo 52 jir ah iyo Ohad Ben Ami oo 56 jir ah ayaa labaduba laga qafaashay Kibbutz Beeri, halka Or Levy, oo 34 jir ah, laga soo qafaashay xafladdii muusiga ee Nova intii uu socday weerarkii Xamaas ay ku qaadday gudaha Israa’iil 7-dii Oktoobar ee sanadkii 2023-kii.

Dhankeeda, Israa’iil ayaa sii deynaysa 183 maxaabiis Falastiiniyiin ah.

Inta lagu guda jiro wajiga koowaad ee xabbad joojinta, oo lagu wado in ay socotto lix toddobaad, Xamaas ayaa si tartiib tartiib ah u sii deynaysa 33 la haystayaal Israa’iiliyiin ah oo ay ku beddelaneyso boqolaal maxaabiis Falastiiniyiin ah. Ilaa hadda, 13 la haystayaal Israa’iiliyiin ah iyo shan shaqaale oo u dhashay Thailand oo lagu afduubtay weerarkii Xamaas ayaa la sii daayay iyadoo lagu beddeshay ilaa 600 oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo laga sii daayay xabsiyada Israa’iil.

Isweydaarsiga Sabtidii ayaa yimid iyadoo Trump uu soo jeediyay in Gaza laga sifeeyo dadka Falastiiniyiinta ah iyo in Mareykanka uu la wareego lahaanshaha dhulkaasi.

Trump ayaa wariyeyaasha Jimcihii Aqalka Cad ugu sheegay ka hor inta uusan la kulmin ra’iisul wasaaraha Japan Shigeru Ishiba oo booqasho ku jooga Mareykanka in qorshihiisa ay tahay in loo arko in uu yahay wax kala iibsiga hantida maguurtada ah oo kale, laakiin ma uusan soo bandhigin jadwal qorshaha, isagoo yiri “kuma degdegeyno.”

Isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan soo jeedintiisa Gaza, Trump waxa uu sheegay in qorshihiisa “si wanaagsan loo soo dhaweeyay”, sida uu u maleeyayna, aan loo baahnayn in Mareykanka uu ciidamo u diro halkaasi maadaama uu sheegay in Israa’iil ay sugi doonto ammaanka.

Trump ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay qorshihiisa la wareegidda Gaza horraantii isbuucaan isagoo garab taagnaa Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo shir jaraa’id kuwada qabteen Aqalka Cad.

Trump ayaa markii dambe faahfaahin badan qorshaha uga bixiyay qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social isagoo soo jeediyay in Israa’iil ay Marinka Qaza ku wareejineyso Mareykanka ka dib marka uu dhammaado dagaalka Xamaas.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Shiikh Shariif oo ka digay qorshe uu sheegay iney damacsan yihiin Madaxda DF

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo Mamnuucay socodka Mooto Bajaajka laga bilaabo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray Geerida Sheekh Khaliifa Binu Sayid

Cabdi Cade
Taboola Ads ---