Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku aadan xaaladda dalka iyo lacagaha baada ee kooxda Al Shabaab ka qaadaan ganacsatada.
Abuu Mansuur oo suáallo laga weydiiyay arrimaha kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in uu ka towbad keenay kamid ahaanshihii kooxda Al Shabaab, waxa uuna xusay in ilaahey ka baryo mar kasta in uu ka cafiyo dambigii uu galay intii uu Al Shabaab kamid ahaa.
“Aniga fikirkii Al-Shabaab mar hore ayaan ka towbad keenay ee Sacbiya, marwalba oo aan Salaad Tukadana Ilaaheey ayaan baryaa. Towbada waa wax joogta ah runtii wax kasta oo khalad ah oo aniga iga dhacay horayna waa uga Towbad keenay Salaad kasta oo dukanada rabigey waan baryaa” ayuu yiri Abuu Mansuur.
Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab uu yahay waajib diini ah, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee caadeysatay daadinta dhiigga Islaamka.
Wasiirka ,ayaa sheegay in dambi tahay maalgelinta kooxaha argagaxisada ah, waxa uuna xusay in aysan jirin cudurdaar ku aadan in ganacsatada maalgaliyaan kooxaha argagaxisada ah uu sheegay in lacagtaasi ku daadinayaan dhiigga dalka Muslimka ah.
\Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com