Ciidamada Amniga dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta oo Sabti ah gacanta ku dhigay saddex qof oo ajaanib ah iyo mid Soomaali ah oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxda Argagixisada ah ee Daacish.
Hawlgalka La-dagaallanka Argagixisada ee dowladda Puntland ayaa shaaciyay in magaalada Boosaaso lagu qabtay saddex qof oo ajaanib ah iyo qof Soomaali ah oo dhammaantood lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin mileeshiyaadka Argagixisada ah ew Daacish.
Taliska La-dagaallanka Argagixisada ee Puntland oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in baaritaan lagu wado shakhsiyaadka ciidamadu ku qabteen Boosaaso oo saddex kamid ah ajaanib yihiin halka kan afraad uu Soomaali yahay sida ku xusay qoraaalka Ciidamada Amniga Puntland.
“Boosaaso: Laamaha Amniga ayaa qabtay 4 qof oo 3-Ajaanib tahay, kuwaas oo baaritaan lagu hayo, waxaa lala xiriiriyey Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee dowladda Puntland.
Ciidamada Booliska oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland ee PISA ayaa sidoo kale weli hawlgallo amni ka wada magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo ay ugu horrayso magaalada Boosaaso.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com