Waxaa baraha bulshada si weyn ugu faafay warar sheegayay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay adkeysay in ay helaan dukumiintiyada, gaar ahaan baasabooro askarta ku dhaawacantay dagaalka ciidamada Puntland kula jiraan kooxda Daacish.
Qaar kamid ah askarta dagaalka ku dhaawacantay oo dhaawacyadooda dalka wax looga qaban waayay ayaa loo qaadayay isbitaallo dalka dibadiisa kuyaalla, waxa ayna askartaasi u baahdeen dukumiintoyo si safarka dibadda loogu oggolaado.
Wariyaal iyo shaqsiyaad kale oo caan ka ah baraha bulshada ayaa baahiyay in DFS gaar ahaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha adkeysay in askarta dhaawacyada qaba si fudud ku helaan baasaboorka Soomaaliga , si dhaawacooda dibadda loogu qaado.
Axmed Hurre oo katirsan Guddiga Taakulada Ciidamada Puntland ee u xil saaran caawinta ciidamada dhaawacyada soo gaareen, ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya adkeysay in baasaboorka Soomaaliga helaan askarta dhaawacan qaarkood ee loo qaadayay dalka dibadiisa.
“Anigoo ku hadlaya afka guddiga taakulada ciidamadeenna, waxaan cadeynayaa in aaney jirin wax caqabad ah oo xagga baasaboorka ah, mana jirto is-hortaag ay samaysay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha JFS,” ayuu yiri Axmed Hurre ooxubin ka ah guddiga.
Warkan baraha bulshada lagu baahiyay , ayaa imaana xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay diyaar u tahay in Puntland ka caawiso dhinacyo kala duwan, xilli aan wali xal laga gaarin khilaafka u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo maamulka Siciid Deni.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com