Allbanaadir.com
NEWS

Deeq ka timid Imaaraadka oo soo gaaray magaalada Boosaaso (Sawirro)

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa deeq laami ah oo loogu tala galay in lagu dhiso waddada xariirisa deegaanka Ceel-Daahir iyo magaalada Ceyrigaabo soo gaarsiisay magaalada dekada leh ee Boosaaso xarunta gobolka Bari.

Labo markab waa weyn oo waday laamigan loogu dereqay maamulka Puntland ayaa mid kamid ah kusoo xirtay dekadda magaalada Boosaaso, waxaana laamigan lagu dhameestirayaa dhismaha waddadan Ceel-Daahir ka bilaabata oo dhismaheedu socdo.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo xiriir wannaagsan kala dhaxeeyo maamulka Puntland , ayaa marar badan soo gaarsiisay deeqyo kala duwan maamulkaasi, waxa ayna Imaaraadka gacan ka geesanayaan mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Puntland qaarkood.

Maamulka Madaxweyne Siciid Deni, ayaa ku guuleestay dhismaha waddooyin badan oo muhiim u ah bulshada ku dhaqan magaalooyin badan oo katirsan Puntland, waxaana hadda socda dhismaha waddooyin kale oo cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Hotel Caan ah oo dhoor bilood Xabsi ahaa oo dib loo howl galiyay

Cabdi Cade

Fariin Muhiim ah oo ku socota Madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo Cafis u fidiyay Boqolaal Maxaabiis ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---