Dowladda Mareykanka ayaa dib u bilowday in maamulka Israa’iil ku caawiso gantaalo halis badan , kaa oo mar kale laga cabsi qabo in ciidamada arxanka daran ee Israa’iil u adeegsadaan xasuuqa shacabka reer Falastiin ee ku dhaqab magaalada Gasa.
Waaxda difaaca iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowladda Mareykanka, ayaa shalay oo Jimco aheyd ansixiyay in ciidamada Israa’iil lagu wareejiyo gantaallada loogu magac-darray naarta jahannamo ( AGM-114 Hellfire ) .
Gantaalkan Israa’iil Mareykanka siinayo ayaa ah mid wata halistiisa, waxa uuna fulin karaa weerarro bartilmaameed leh, waxa uuna geysan karaa khasaaro badan oo nafeed goobaha loo adeegsado in lagu weeraro gantaalkan.
Dowladda Mareykanka ayaa ugu deeqay maamulka israa’iil ee xasuuqa kawada Gaza hub , rasaas iyo agab kale oo dagaal oo qiimahoodu yahay $6.75 bilyan oo dollar , waxaana hubkan Israa’iil u fasaxay maamulka cusub uu hoggaamiyo Madaxweyne Trump.
Israa’iil , ayaa hubka culus gaar ahaan bambooyinka iyo gantaalaha ay u adeegsatay xasuuqa shacabka magaalada Gasa ka heshay dowladda Mareykanka, dowladii Madaxweyne Biden ayaana hakkisay in la siiyo Israa’iil hubkan hadda maamulka Trump u fasaxay in la siiyo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com