Allbanaadir.com
NEWS

Markab sirdoon oo aad uga cabsadaan reer Galbeedka oo dab qabsaday gurmadna diiday

Markab sirdoon oo uu leeyahay Ruushka ayaa ku gubanaya badda Mediterranean-ka ee ku dhow Suuriya waxaa la arkay markabkan lagu magacaabo Kildin oo uuro iyo dab u qabsaday, iyadoo shaqaalaha la socda ay diiddeen inay ka jawaabaan iskuday maraakiib NATO ah ay ku doonayeen inay u gurmadaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Markabka Kildin, waxaa ku xiran tiknoolajiyad elektaroonik ah oo lagu basaaso isgaarsiinta iyo dhaqdhaqaaqyada kale , wuxuuna ku jiraa dhowr markab oo ay si weyn isaga ilaaliyaan dalalka reer galbeedka , sabab la xiriirta cabsi ay ka qabaan inuu dhex gelo shabakadahooda isgaarsiinta, internetka iyo tamarta.

Markabkan wuxuu leeyahay nidaam uu ku fulin karo weerarro elektaroonik, sida inuu hawada ka saari karo korontada ama lagu fulin karo qaraxyo ka dhasha korontada oo ay u dheertahay joojinta kaabashaasha elektaroonik oo ay ku jiraan tareennada iyo gaadiidka dadweynaha.

Dowladda Ruushka ma jirto ilaa hadda wax hadal ah oo ay ka soo saareen xaaladda markabkan oo aan la garanayn ciladda uu wajahayo halka ay uga timid, waxaa la filayaa in Ruushka war kasoo saaraan markabkan dabka qabsaday.

Related posts

Nidaamka Asxaabta badan iyo Geedi Socodka Doorashooyinka Waagii hore ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Daawo:-Muxuu Ra’iisul Wasaaraha ku soo arkay kormeerkii qeybaha kala duwanaa ee xarunta tababarka TurkSom !!

admin

Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---