Qoraal caawa kasoo baxay guddiga ganacsatada gobolka Banaadir , ayaa lagu shaaciyay in beri oo Sabti ah ay xirnaan doonaan dhammaan ganacsiyada kala duwan ee magaalada Muqdisho ku yaalla.
Ganacsatada ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen culeeyso iyo cagajugleyn joogta ah oo uga imaaneysa Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo sidoo kale adeegsaneysa laamaha ammaanka.
Qoraalka ganacsatada ayaa sidoo kale lagu sheegay in canshuuro xad-dhaaf ah lagu soo rogay ganacsatada gobolka Banaadir, xilli ay horey culeesyo kala duwan ula kulmayeen.