Allbanaadir.com
NEWS

Halka uu marayo sahminta Shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyay

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar.

Kulankan dhax maray labada wasiir oo ka dhacay magaalada Istanbul, ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada sahminta iyo horumarinta Batroolka.

Wasiirada ayaa sheegay in markabka sahminta ee Oruç Reis uu dhammeystiray 50% sahmintiisa seismic ee biyaha Soomaaliya, taasoo ah guul muhiim oo la gaaray.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo in iskaashigan uu gacan ka geysan doono horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Related posts

Madaxweyne Waare oo deg deg ugu laabtay Belad-Weyn & dibed-baxyo lagala hor yimid

Caydiid Ali

Khayre Oo Xeraale u tagay si loo hubiyo Dhaqan-galka Heshiiskii Nabadeed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamo Cusub oo macawuusley ah oo Dagaal loo diyaariyay oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---