Ciidanka degaanka ee Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka ayaa mar kale saaka cashar u dhigay kooxda al shabaab kaddib dagaal culus oo illaa hadda ka socda inta u dhaxeysa deegaanla Beer-yabaal iyo Jicibow ee Bariga Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in khasaare lixaad leh al shabaab loo geystay, labo xubnood maxaabiis ahna laga qabtay.
Howlgalka dib uga billowday bariga Gobolka Hiiraan ayaa guulo hordhac ah ka soo hoyeen Macawiisley iyo kuwa xoogga dalka.
Warar ayaa sidoo kaler sheegaya in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay sidoo kale al shabaab ka weerareen jihooyin kale oo ku teedsan webiga shabeelle halkaasoo dagaalo culus ay ka socdaan.
Dagaalka socda ayaa geystay khasaare nafeed oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyada dagaalamaya inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.