Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Puntland ayaa lagu muujiyay wacyi-gelin amni oo ku saabsan ka-feejignaanta dhaq dhaqaaqa waxa loogu yeeray kooxaha Argagixisada ka samayn karaan degaannada Puntland.
Wacyi-gelinta amni ee wasaaradda Warfaafinta oo ku socota dhammaan shacabka Puntland ayaa lagu muujiyay tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhaqdhaqaaqa kooxaha Argagixisada ah samayn karaan, kaddib markii kooxahaasi lagu wiiqay dagaalkii tooska ahaa.
Talooyinka dowladdu u jeedisay shacabka waxaa kamid ah in si deg deg ah laamaha ammaanka loogu wargeliyo cid kasta oo laga shakiyo, si si loo hubiyo in uusan khatar ku ahayn amniga guud, islamarkaana taxaddar dheeri ah laga muujiyo cid kasta oo guryo laga kiraynayo, si aysan Puntland gabbaad uga helin kooxaha Argagixisada ah sida qoraalka ku xusan.
Dhammaan dadweynaha waxa la faray in ay dareenkooda feejignaanta kor u qaadaan, iyagoo hubinaya in ay xogtooda la wadaagaan hay’adaha ammaanka”Dadweynaha waxaa la farayaa inay dareenkooda feejignaanta kor u qaadaan, iyagoo hubinaya in ay xogtooda la wadaagaan hay’adaha ammaanka” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA PUNTLAND