Allbanaadir.com
NEWS

Dacwad cusub oo lagu soo oogay Duqa Magaalada Istanbul

Dacwad-oogayaasha dalka Turkiga ayaa soo saaray dacwad saddexaad oo ka dhan ah Duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoglu – oo ah shakhsi laga yaabo inuu la tartamo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan – kaddib markii uu dhaleeceeyay xeer-ilaaliyaha magaalada, sida ku cad warqadda dacwadda.

Dacwaddan cusub, oo hadafkeedu yahay in Imamoglu xabsi lagu xukumo lagana mamnuuco siyaasadda, ayaa timid kaddib markii uu Imamoglu kiisaskii hore ee ka dhanka ahaa ku tilmaamay inay yihiin qayb ka mid ah olole cadaadis oo dhanka garsoorka ah oo lagu hayo mucaaradka. Arrintan ayaa waxaa beenisay xukuumadda Erdogan.

Dacwaddan cusub, xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay dalbadeen in Imamoglu lagu xukumo xabsi sababo la xiriira hanjabaad iyo aflagaaddo ka dhan ah sarkaal ka tirsan dowladda, iyo waliba inuu bartilmaameedsaday shakhsiyaad ku lug leh la-dagaallanka argagixisada, sida lagu xusay dacwadda oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Todobaadkii hore, mar uu Imamoglu, oo ah shakhsi caan ah oo ka tirsan mucaaradka, qoraal kaga jawaabayay eedeymaha maxkamadda horteeda – halkaas oo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu saameyn ku yeesho garsoorka – ayuu beeniyay inuu wax dembi ah galay.

Imamoglu wuxuu sheegay in dacwaddan ugu dambaysay, oo lagu doonayo in lagu xukumo toddobo sano iyo afar bilood oo xarig ah, ay muujinayso in Erdogan uu waayay geesinimadii uu kula tartami lahaa cod-bixiyeyaasha doorashada.

Imamoglu ayaa intaa ku daray in Erdogan uu aaminsan yahay inuu “ku sii nagaan doono awoodda isagoo adeegsanaya xeelado aan daacad ahayn.”

“Shacabkeennu mar dambe wax ixtiraam ah uma hayaan kuwa aan muujinin ixtiraamka ugu yar ee dimoqraadiyadda iyo xaqooda inay wax doortaan,” ayuu ku qoray bartiisa X.

Dacwaddii ugu horreysay ayaa ka dambeysay dhaleeceyn uu Imamoglu u jeediyay kiisas sharci oo lagu soo oogay dowlado hoose oo ay maamulaan xisbiyada mucaaradka, oo uu ku jiro xisbigiisa CHP (Xisbiga Shacabka Jamhuuriga).

Siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka Turkiga ayaa wajaha caqabado sharci oo isdaba joog ah, iyadoo kooxaha u dooda xuquuqul aadanaha ay sheegeen in madax-bannaanida garsoorka ay meesha ka baxday intii lagu guda jiray labaatankii sano ee uu xukunka hayay Erdogan.

Related posts

Atooraha caanka ah ee Will Smith oo hadiyad lama filaan ah gudoonsiiyay arday Muslim ah

Cabdi Cade

Tirada guud ee dadka Falastiiniyiinta ah ay xasuuqeen ciidamada Israa’iil oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Qatar oo loo soo bandhigay Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---