WAR-SAXAAFADEED
Sida aad ka warqabtaan, waxa jirta in Masiibada Dabku ay innagu soo noq-noqoto baryahan dambe, dabkaasi oo inta badan ka dhaca Goobaha ganacsiga, masiibadaa dabkuna waxa ay khasaare ballaadhan u gaysataa hantida dadka shacabka ah, nafta aadamaha iyo sida oo kale dhaqaalaha dalka guud ahaan.
Masiibada Dabku waxa kale oo uu ka dhacaa goobaha degsiimooyinka ah ee ay ku nool yihiin dadka danyarta ahi, isaga oo sababa in ay ku gubtaan guryo badan oo ay ku noolaayeen dad danyar ahi, sida oo kale-na ay ku nafwaayaan dad shacab ahi.
Hadaba anniga oo maanka ku haya mas’uuliyadda Xukuumadda ka saaran daryeelka iyo gurmad u fidinta dadkii ganacsatada ahaa ee ku xoolo waayay dabkii ka dhacay Suuqa Idaacadda ee Magaalada Hargeysa, sida oo kale-na yaqiinsan masuuliyadda Xukuumadda ka saaran xal u helidda masiibada dabka ee baryahan dambe innagu soo noq-noqata, waxa aan idiin magacaabay inaad noqotaan Guddida heer Qaran ee Qiimeynta Khasaaraha iyo Taakulada dabkii Suuqa Idaacadda oo u xilsaaran hawlaha kala ah:
- Soo qiimaynta khasaaraha uu geystay dabkii ka kacay suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa;
- Maamulidda iyo Isu-duwidda hawlaha gurmadka ah ee lagu taakulaynayo dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay dabkaasi;
- Ka soo tala bixinta waxyaabaha keena iyo xal u helidda masiibada dabka, si looga hortago inay masiibadaasi mar dambe waxyeelo u gaysato nafaha iyo hantida dadka shacabka ah ee reer Somaliland;
𝐐𝐚𝐚𝐛-𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐡𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 & 𝐭𝐚𝐚𝐤𝐮𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐒𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐈𝐝𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚:
- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta Guddoomiye.
- Wasiirka W. D/Hoose & Horumarka Magaalooyinka Guddoomiye Kuxigeen
- Wasiirka Wasaaradda Ganaciga iyo Dalxiiska Xoghaye
- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyi gelinta Xubin
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xubin
- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta. Xubin
- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Xubin
- Duqa Caasimadda Hargeysa Xubin
- Garyaqaan Guud ee Xukuumadda Xubin
- Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Xubin
- Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Xubin
Hadaba waxa aan idin farayaa in aad hawshaasi u gudataan si mug iyo miisaan leh. Waxaa kale oo aan farayaa Hay’adaha kale ee Dawladda, Gaanacsatada iyo qeybaha kale ee bulshadu inay la shaqeeyaan Guddigan heer qaran, kana gacan siiyaan hawlaha ay idiinka baahdaan;