Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaq Axmed Siciid, ayaa ka qeyb-galay aas qaran oo deegaanka Ceel-daahir loogu sameeyay Allaha u naxariistee G/sare Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifataax Qoryood, lagu dilay dagaalka ciidanka Puntland iyo Daacish.
Aaska qaranka waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Xildhibaanno, Wasiirro, Saraakiil Ciidamada kala duwan, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Carmo, iyo Guddiga Gurmadka, kuwaas oo dhammaantood muujiyey sida ay uga xun yihiin geerida labada walaalaha ee ku dhintay dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa uga tacsiyadeeyay waalidiinta, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo guud ahaan shacabka Puntland, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo.
“Dhammaan ciidankeena waxay naftooda u hureen difaaca dalkooda, dhiiggooduna wuxuu noqonayaa dhaxal taariikhi ah oo lagu xasuusan doono. Dawladda Puntland waxaa ka go’an inay sii waddo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, si loo sugo nabadda iyo xasilloonida dalkeena,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
G/sare Mukhtaar Qoryood iyo Cabdifataax Qoryood oo ahaa labo walaalo ah ayaa ka mid ahaa ciidamada Puntland, waxaana lagu dilay dagaallka ka socda buuraha Cal Miskaad