Madaxwaynaha Maraykanka lacagihii uu siin jiray dunida inta badan wuu ka joojiyey, halka uu Israa’iil u sii wado gargaarka. Trump hadda wuxuu Congress-ka waydiistay $1 billion oo bambooyin iyo cagafcagafyo wax dumiya loogu iibsho Israa’iil.
Canshuurta dadka Maraykanka waxaa lagu bixin doonaa hub loo diro Israa’iil oo sida caadada ahayd sanad walba heli jirtay $3.8. billion kaalmo military ah.
Oct. 2023 ilaa Oct. 2024, Israa’iil waxay Maamulkii Biden ka heshay hub qiimihiisu ahaa $17.9 billion. Waa wax aan wali dhicin.
Dhawr maalmood kahor inta uusan xilka wareejin Biden, wuxuu ku dhawaaqay in uu Israa’iil u dirayo $8 billion hub dheeri ah loogu iibsho. Laakiin wali Congress si buuxda uma ansixin.
Dhaqaalahan cusub ee hubka loogu iibinayo Israa’iil waxay timid, kaddib booqashadii uu Netanyahu ku tagay Washington talaadadii.
Trump waxaa kale oo uu kor u qaaday in Israa’iil laga iibsho bambooyinka culus ee miisaankoodu gaarayo 2,000-pound.
Bambooyinka iyo cagafcagafyada (D9) ee ay ciidammadu isticmaalaan oo awal lagu isticmaali jiray burburinta guryaha iyo dhismayaasha kale, ayaa dadka Falastiin ku ah ciqaab-wadareed, iyada oo ay hadda Janin ka socdaan hawlgallo la mid ah kuwii Qaza lagu burburshay.
America wuxuu ka dambeeyey Xabbad joojintii dhawaan lagu kala saxiixday Qatar iyo Lubnaan. Tallaabooyinkan cusubna waxay ka hor-imaanayaan dadaalladdii nabadda ee gobolka laga waday. In ka badan 62,000 qof baa Gaza lagu dilay