Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamada ku soo dhaawacmay hawlgalka Daacish looga sifeynayo buuralayda, Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidamada wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka iyo guddiga taakulaynta Ciidamada, wuxuuna faray in la dardargeliyo daaweyntooda si dhameystiran dalka iyo Hadii loo baahdoba dibadda .
Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay Ciidanka Dowladda Puntland ee ku shahiiday hawlgalka, kuwaasoo dhiigooda ku daahiriyey deegaanadii iyo dhulkii Daacish lagula dagaalamay. Inta dhaawacantayna wuxuu Allaah uga baryayaa inuu u boogga dhayo.
Madaxweynaha Puntland ayaa boggaadiyey dadaalka bulshada, hawlwadeennada Caafimaadka, Warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Wuxuu ku baaqay Madaxweynuhu in sidaasi loo sii wado isku duubnimada iyo wadajirka Dowlad iyo shacab taasoo ah mid ay si gaar ah ugu amaanan yihiin dadka reer Puntland.