Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare oo maanta booqatay Jaamacadda Makerere ee magaalada Kampala ayaa kulan kula qaadatay Guddoomiyaha Jaamacadda, Prof. Barnabas Nawangwe.
Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Safaaradda Soomaaliya iyo Jaamacadda Makerere taas oo ah jaamacad caan ku ah taariikh dheer iyo baaxad weyn.
Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa sheegtay in ay kala hadashay madaxda Jaamacadda sidii ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadda Makerere ay u heli lahaayeen xuquuq la mid ah midda ay helaan ardayda dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (East African Community – EAC).
Guddoomiyaha Jaamacadda Makerere, Prof. Barnabas Nawangwe ayaa xaqiijiyay in laga bilaabo maanta ardayda Soomaaliyeed ay heli doonaan dhammaan xuquuqaha ay haystaan ardayda ka tirsan dalalka EAC, maadaama Soomaaliya hadda ka mid tahay Ururkan.
Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maalmahan waday booqashooyin ay ku tagayso jaamacadaha Uganda, si loo xoojiyo xiriirka waxbarasho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Uganda, isla markaana loo xaqiijiyo in ardayda Soomaaliyeed helaan xuquuqda ay xaqa u leeyihiin.