Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo arrimo halis ah ku eedeeyey DF

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Kulanka golaha ayaa lagu cambaareeyay waxa loogu yeeray faragalinta DF ka wado gobolka Gedo taasoo ay ugu danbaysay dagaalkii shalay ka dhacay xarunta Degmada iyo Saldhiga Booliska oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Golahu wuxuu uga tacsiyeeyay ehelada dadkii ku waxyeeloobay dhacdadan sidoo kalana waxay sheegeen iney socdaan abaabulo beelaha Degmada la isku hubaynayo taasoo masuuliyadeeda ay ku eedeeyeen DF.

Sidoo kale waxaa golahu uu ka digay abaabul hubaysan oo ay sheegeen inuu ka socda Degmooyinka Garbahareey iyo Beledxaawo kuwaasoo sababi kara colaado daba dheeraada iyo in dhiig uu ku daato.

Waxaa sidoo kale golahu ka hadlay xayiraadaha duulimaadyada oo si toos ah u saamaynaya shacabka Jubaland isla markana aan ilaa hada saamayn ku yeelanin masuuliyiinta iyo Madaxa Jubaland taasoo bay yiraahdeen muujinaysa cadaawada iyo nacaybka Kooxda Xasan Sheekh ay u qabaan shacabka Jubaland sida ay hadalka u dhigeen.

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Puntland ka gaareen dagaalka Daacish iyadoo ku baaqay inaan loo kala harin garab istaaga Dowladda iyo Shacabka Puntland si looga adkaado Kooxdaas.

Golaha waxaa kale oo ka digay in jahada dalku uu ku socdo ay tahay mid halis ah isla markaana colaadaha iyo duulaanada qaawan ee ay abaabulayaan DF ay yihiin kuwo aan u adeegaynin danta dadka iyo dalka hadii hada aan la daba qabanina Soomaaliya ay gaari karto meel halis ah sida ku xusan war saxaafadeedka.

Related posts

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sheegay in guryo aay lahayeen sharci darro lagu bur-buriyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi: “Waanu aqbalnay dagaalka uu iclaamiyey Wiilka yar ee Xamar ka taliya”

Caydiid Ali

Madaale oo amar cusub ku soo rogay Maamulada degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---