Allbanaadir.com
NEWS

Firdhiye oo furay dugsiga tababarka ciidanka Daraawiishta SSC

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta si rasmi ah u furay dugsiga tababarka ciiddammada daraawiishta SSC-Khaatumo ee Samakaab.

Dugsigan ayaa ah kii ugu horreeyey ee maamulku hirgeliyo islamarkaana looga golleeyahay in uu soo saaro saraakiil tababar, akhlaaq iyo waddanimo ahaanba u dhisan.

Hoggaamiyaha ayaa u xusay in ay sidoo kale qorshaynayaan taabba-gelinta kulliyado kale oo lagu dhiso qaybaha kala duwan ciidanka SSC-Khaatumo. Furitaanka dugsigan waxaa Hoggaamiyaha ku weheliyey xubno ka tirsan labada gole ee dawladda, Taliyaha CDSSC-Khaatumo, Taliyaha CBSSC-khaatumo iyo saraakiil kale.

Dhanka kale Taliyaha ciiddammada Daraawiishta SSC-Khaatumo S/G Saleebaan Barre Geesood ayaa si faahfaahsan  uga warbixiyey qorsheyaashooda tayeynta iyo tababarrada ciidanka isaga oo xusay in furitaanka dugsigani uu kusoo beegmay maalin taariikhi ah oo ah 06. feb.

Ugu dambayn hoggaamiyaha ayaa taliska faray dardargelinta tayeynta iyo tababarka ciidammada qaybohooda kala duwan sidoo kalena ugu baaqay shacabweynaha reer SSC-Khaatumo in ay markasta garab taagnaadaan ciidankooda.

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo saaray Qabsashada Galcad iyo Deegaanno kale

Cabdi Cade

(Sawirro) Israel oo daanta Galbeed ka fulisay duqeyn lagu dilay..

Caydiid Ali

Kenya oo ka carootay fal uu ku dhaqaaqay RW Rooble & Puntland oo digniin bixisay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---